Home Wararka Maanta Waa Kuma Sheegoow Goormee ayuuse kasoo Baxay Alshabaab?

Waa Kuma Sheegoow Goormee ayuuse kasoo Baxay Alshabaab?

0

Dagaal culus oo u dhaxeeyay booliiska iyo maleeshiyo uu hoggaaminayay Sheegow Axmed Cali oo ah sarkaal hore ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Booliska ayaa sheegay in maleeshiyadan ay dadka rayidka ah ku dhacayeen qeybo kamid ah magaalada. Dagaalka oo qarxay xalay saqdii dhexe ayaa socday ilaa saakay.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay dagaalkaas, waxaana jiray sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, booliska oo faahfaahin ka bixiyey falkaan ayaa ku tilmaamay tallaabo lagu xasilinayo amniga caasimadda.

Ciidamada dowladda waxaa u suurta gashay inay nolosha ku qabtaan Sheegow iyo ilaa 30 maleeshiyaad ah oo muddo u dagaalameysay, waxayna caawa ku jiraan xabsiga.

Baraha bulshada ayaa maanta si weyn looga hadal hayaa Sheegow Axmed Cali oo dowladdu ay sheegtay in mar hore laga ruqseeyey ciidqnka markii isagoo Dhamme ah uu si been abuur ah u sameystay darajada Jeneraal, taas oo la ogaaday markii dib loo eegay feylasha ciidamada iyo saaraakiisha qaranka.

Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo ah nin muddo badan lasoo shaqeynayey ciidamada dowladda, isla markaana ka faallooda arrimaha ciidamada ayaa ka sheekeeyey halka uu markiisi hore Sheegow kaga soo biiray ciidamada dowladda.

“Sheegow waxa uu kasoo baxday kooxda Al-shabaab sanadkii 2014-kii, isagoo xilligaasi ku sugnaa Shabeellaha Hoose dhinaca Janaale iyo Bariirre, halkaas oo u qaabilsanaa kooxdaasi aruurinta lacagaha, waxaa la sheegaa in ay isku dheceen isaga iyo hoggaamiyaashii Shabaab ee halkaas, taasi oo keentay in uu kasoo baxsado isla markaana iskusoo dhiibo dowladda,” Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo u waramay BBC.

Korneyl Macow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Sheegow waxa uu sidaasi uga mid noqday ciidamada millitariga isaga oo la siiyay darajada Kabtan/Dhamme, mana jiro ogaanteyda ciidan uu xukumo oo uu taliye u yahay. Sheegow ma ahan Janaraal ka diiwaan gashan dowladda ee isaga ayaa xirtay darajadaas, waana sababta ay dadku ugu wareersanyihiin darajiisa oo muran badan dhalisay.”

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo ka hadlay kiiska Sheegow ayaa yiri, “Dowladda Soomaaliya ayaa goor sii horreysay baaritaan ku sameysay ninkan, waxana la ogaaday in uu markaasi dowladda ugu diiwaan gashanaa darajada kabtan-nimo, iyadoo ugu dambeyn guud ahaanba ciidamada dowladda laga saaray.”

Sheegow ayaa haatan haystay ciidamo badan oo aan kamid ahayn ciidamada dowladda, balse isaga ka amar qaata, iyadoo ciidamadiisa ay haatan dhaliyeen dagaalkaan sida la sheegay kaddib markii ay dhac u geysteen shacabka degmada Dharkenley, taasina ay keentay in ciidamada amniga ee Muqdisho ay soo daba galaan dagaalkana halkaasi uu ka qarxo.

Ad
Previous articleRag katirsan Alshabaab oo hogaamiyahooda oo dhaawac ah daawo u waday oo la qabtay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Deegaanka oo U Jihaystay Ceelbuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here