Home Wararka Maanta Waa kuma ninka uu xilka sare u magacaabay madaxweyne Xasan ee madaxda...

Waa kuma ninka uu xilka sare u magacaabay madaxweyne Xasan ee madaxda u ahaa ciidamada horey u weeraray?

0

Madaxweynaha Soomaaliya, oo bishii labaad wada hogaaminta dagaalka ay dawladda kula jirto Al-Shabaab, ayaa dhawaan magacaabay saraakiil hogaaminaya dagaalka.

Dadka uu magacaabay waxaa ka mid ah Gaashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle oo ahaa talihii ciidanka sida kumaandooska u tababaran ee Gorgor.

Dayax wuxuu ahaa gaashaanle dhexe, laakin waxaa loo dallacsiiyey gaashaanle sare, waxaana loo magacaabay taliyaha ciidanka Lugta ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Isla markii la magacaabay, ra’yi kala duwan ayey dadku ka bixiyeen xilka loo dhiibay.

Hadal hayntiisa ayaa timid ayadoo dib loo eegayo sidii uu ahaa xiriirkii u dhaxeeyey madaxweyne Xasan Sheekh iyo sarkaalkiishii xilligii dawladdii hore ee xasan Sheekh uu mucaaradka ahaa.

Dayax wuxuu ahaa taliyaha ciidanka aadka u tababaran ee Gorgor, kuwaasoo dhowr goor is hortaagay banaanbax ay soo qaban qaabiyeen mucaaradkii xilligaas oo Xasan Sheekh ku jiray. Ciidanka Gorgor waa ciidan sida kumaandooska u tababaran oo dawladda Turkiga ay tababar siisay.

Ciidankaas oo si fiican u qalabaysan waxaa tiradood a lagu qiyaasaa in ka badan 2000 oo askari.

Su’aalaha hadda la is weydiinayo waxaa ka mid ah sida iyo sababta uu madaxweynaha Soomaaliya ugu dhiirraday inuu xil sare uga magacaabo milateriga Soomaaliya taliyaha ciidanka Gorgor ee ahaa ciidankii is hortaagay markii uu mucaaradka ahaa.

Ciidanka Gorgor ayaa hawlgal ku qaaday hotel ay ku sugnaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, bishii Febraayo 2021.

Xilligaas uu weerarka dhacayo Dayax oo gaashaanle dhexe ah wuxuu ahaa taliyihii ciidankaas, walow uusan wadan askartii hotelka gashay. Madaxweynayaashii hotelka ku sugnaa waxay markii dambe eedda dusha ka saareen madaxweynihii xilligaas, Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo ay ku eedeeyeen inuu isagu weerarka ka dambeeyey.

Laakin saraakiil ciidan iyo aqoonyahanno ayaa aaminsan in agacaabista Dayax ay ku salaysan tahay kartidiisa iyo xirfadda dagaal gelinta ee uu leeyahay oo xilligan loo arko mid muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab.

“Sarkaalkan waxaa lagu xushay kartidiisa iyo aqoontiisa ciidanka, waana lagula taliyey madaxweynaha inuu magacaabo si looga mira dhaliyo hawlgallada hadda socda. Talaabadan waxay muujinaysaa in madaxweynuhu yeeshay bisayl, iyo ka go’naansho in dagaalka lagu guulaysto, oo uusan fiirin wixii hore u soo dhex maray,” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga.

Dadka yaqaanna Gaashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle waxay ku tilmaameen inuu yahay sarkaal dagaal gelinta ku wanaagsan, tababarro fiicanna qaba.

Waxaa kale oo isna uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo celiyey hawlgalinta ciidanka taliyihii hore ee milateriga Jeneral Odawaa Yuusuf Raage.

Odawaa wuxuu qayb weyn ka qaatay in dib loo celiyo askartii ka soo gadoodday Cowsweyne markii Al-Shabaab ay duullaanka culus ku soo qaadeen. Waa nin ciidanka aad u kala yaqaanna, ku soo dhex jiray, ayna ka heybaystaan, taas ayaa keenaysa in madaxweynuhu uu dib ugu soo celiyo hawlgallada maadaama khibraddiisa iyo saamayntiisa aad loogu baahan yahay xilligan xasaasiga ah,” ayuu sii raaciyey Axmed Kaboole.

Dadka ka hadlay arrimaha la xiriira isbeddelka lagu sameeyey hogaanka milateriga qaarkood waxay aaminsan yihiin in saraakiishan iyo qaar kale oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka cusub ee ciidanka xoogga dalka ee dhawaan la magacaabay inay soo kordhin karaa fikrado cusub oo dagaalka hadda ka socda Galmudug iyo HirShabelle lagu soo kordhin karo si loo soo afjaro wajiga hore ee hawlgalka ee labada bilood uu iminka hogaaminayo madaxweynaha.
Dadkaas waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo bartiisa facebook ku qoray “Col Dayax waa hoggaamiye lagu yaqaano karti iyo dhiiranaan, sumcad wanaagsanna ku leh ciidanka dhexdiisa”
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii ka Dhacay Koonfurta Gobalka Mudug iyo Alshabaab oo Laga Saaray Dhul Hor leh
Next articleCiidamada Itoobiya oo Alshabaab ka Dilay 462 dagaalame

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here