Home Wararka Maanta Waa kuma ninka ay Kenya usoo sharraxday inay Soomaaliya kula tartanto madaxtinnimada...

Waa kuma ninka ay Kenya usoo sharraxday inay Soomaaliya kula tartanto madaxtinnimada Midowga Afrika?

0

Magaciisu waa Raila Odinga, waxaa dhalay madaxweyne ku xigeenkii koowaad ee dalka Kenya, Jaramogi Oginga Odinga.

Da’diisu waa 79 jir, waxa uuna 7-dii bishii January, 1945 ku dhashay magaalada Maseno ee galbeedka Kenya.

Wuxuu soo noqday raysal wasaare ku xigeen.

Ilaa shan jeer ayuu u tartamay madaxtinnimada Kenya, balse wuu ku guul-darreystay.

In ka badan 20 sano ayuu xildhibaan ka ahaa xaafadda isku raranta ah ee ugu wayn Afrika ee Kibera.

Muddo dheer ayuu xabsi ku jiray. Kadib isku day afgambi oo dhacay 1dii Agoosto ee sanadkii 1982 dii, Raila Odinga waa la xiray waxaana ku dhacay xukunno kala duwan, oo ay ka mid tahay khaa’inul wadanimo oo ah tii loo xiray iyada oo an cadeyn loo hayn.

Kenya ayaa usoo sharraxday inuu u tartamo madaxtinnimada Midowga Afrika oo sanadka soo socda la qaban doono, waxayna aad xoogga u saareysaa in hoggaamiyahan da’da ah lagu sharfo kursigaas.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saaratay Heshiiska Difaaca Bada Soomaaliye ee Turkiga La Gashay
Next articleHooyo iyo Laba Caruur ah oo ku Geeriyooday Dab ka kacay Gurigooda Xili ay Hurdaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here