Home Wararka Maanta Waa kuma Naciim Qaasim hoggaamiyaha cusub ee Xisbullah?

Waa kuma Naciim Qaasim hoggaamiyaha cusub ee Xisbullah?

0

Ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay Naciim Qaasim inuu noqonayo hoggaamiyaha cusub ee kooxda ee badalaya Xasan Nasrallaah, hoggaamiyihii lagu dilay duqeyn Israa’iil ay ka gaysatay magaalada Bayruut bishii hore.

Naciim ayaa beddelay hoggaamihii ugu muddada dheeraa ee Xisbullah, Xasan Nasrallah, oo bishii lasoo dhaafay lagu dilay weerar ka dhacay Beirut.

Naciim Qaasim ayaa horey u ahaa xoghaye ku xigeenka kooxda.

Qaasim ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha sarsare ee Xisbullaah ee weli nool, kadib markii Israa’iil ay ku dishay inta badan hoggaamiyayaashii kooxda weerarro taxane ahaa oo dhacay todobaadyadii la soo dhaafay.

Naciim Qaasim ayaa ku dhashay Beirut sanadkii 1953, waxa uuna ka soo jeedaa qoys reer Lubnaan ah oo degganaa koonfurta Lubnaan.

Ninkaan ayaa muddo ahaa ku xigeenka xoghayaha guud ee Xisbullah ee ka dhisan Lubnaan, waxa uuna muddo 30-sano ah kamid ahaa kooxda ay taageerto Iran.

Mar uu ka hadlayay weerarkii 8-dii Octoobar waxa uu sheegay in khilaafka u dhaxeeya Xisbullah iyo Israa’iil uu yahay dagaal adag oo ku saabsan cidda marka hore ooysa, Xisbullah aysan noqon doonin cidda oysa.

Khudbaddiisa oo socotay 30-daqiiqo ayaa ku soo beegantay maalmo un ka dib markii Hashem Safieddine oo loo maleynayay inuu baddali lahaa hoggaamiyaha kooxda la dilay.

Xisbullah ayaana xaqiijisay dilka Safieddine 23-kii bishaan Octoobar.

Naciim Qassem waxa loo magacaabay ku xigeenka madaxa sannadkii 1991-kii, waxaana u magacaabay xoghayihii guud ee xilligaas Abbas al-Musawi, kaas oo lagu dilay weerar diyaarad helikobter ah oo ay Israa’iil fulisay.

Qassem ayaa xilkaas hayay muddo dheer waxa ayna soo wada shaqeeyeen Xassan Nasrallah, waxa uuna muddo dheer ahaa mid ka mid ah afhayeenada ugu sareeya ee Hezbollah, marar kala duwan ayuuna bixiyay wareysiyo uu siiyay warbaahinno caalami ah oo uu uga hadlayyo dagaalada ay kula jiraan Israa’iil.

Khudbadii Qassem ee telefishinka laga sii daayey 8-dii Octoobar ayaa ahayd tiisii labaad tan iyo markii ay sii xoogeysteen dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah bishii Sebtembar.

Waxa uu ahaa xubintii ugu horreysay ee hoggaanka sare ee Xisbullah oo hadal ka jeediya taleefishinka kadib dilkii Nasrallah ee lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ay ku qaadday duleedka koonfureed ee Beirut 27-kii Sebtembar.

Kadib dilka Xassan Nasrallah, waxa uu sheegay in Xisbullah ay ku dooran doonto qofka bedeli lahaa xoghayihii guud ee la dilay “fursadda ugu horraysa” ayna sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Israa’iil si ay u garab istaagto Falastiiniyiinta.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ku xigeenka madaxa ayaa sheegay in Xisbullah ay diyaar u tahay duulaanka dhulka ee Israa’iil, oo ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Israa’iil.

“Waxaan leeyahay kooxdu way sii wadayaan hawlgallada iyo werarada ka dhanka ah Israa’iil,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu sheegay in Xisbullah ay og tahay inay ku jirto dagaal “ayna habboontahay in waqti la siiyo”, doorashooyinkana “dib ka qaban karaan”.

Mar uu soo hadal qaadayay cidda badali doonta Xasan Nasrallah ayuu sheegay in golaha dhexe ee xisbiga ay go’aan ka gaari doonaan.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleWaa Imisa Askarta Israil ee Ku Dhuntay Dagaalka lubnaan ilaa Hada?
Next articleNin Itoobiyaan ah oo Aano Qabiil loogu Dhex Dilay Saldhiga Caabudwaaq