Home Wararka Caalamka Waa Kuma Dowladda Ka taageeraysa Soomaaliya Dhaqaalaha Doorashada ?.

Waa Kuma Dowladda Ka taageeraysa Soomaaliya Dhaqaalaha Doorashada ?.

0

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle, ayaa maanta la kulmay safiirka Dawladda Norway ee Soomaaliya Elin Rognlie, waxayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka labada dal.

Wasiir Beyle iyo Danjire Elin Rognlie ayaa si gaar ah uga wada hadlay dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta Dowlad-Wanaagga iyo dhaqaalaha Doorashooyinka dalka.

“Waxaa sharaf ii ah in aan maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Norway ee Soomaaliya H.E. Elin Rognlie oo aan ka wadahadlanay arrimo ay ka mid yihiin dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta Dowlad-Wanaagga iyo dhaqaalaha Doorashooyinka dalka, Norway waa mid ka mid ah Saaxiibada ugu wanaagsan ee Soomaaliya , waxa ayna qeyb muhim ah ka qaadatay geedi socodka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Beyle.

 

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleMadaxweynihii Hore ee Dalka iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo Kulan wada qaatay (Sawiro)
Next articleGen, Macuub oo Loo Dhiibayo Amniga Goobaha Doorashada Galmudug