Home Wararka Somaliya Somaliland Waa kuma Cabdiraxmaan Kulmiye oo ay maanta Somaliland xukun ku ridday?

Waa kuma Cabdiraxmaan Kulmiye oo ay maanta Somaliland xukun ku ridday?

0

Garsoorka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sannad iyo badh xadhig ah ku xukumay Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye, oo kamid ahaa shakhsiyaad ay Somaliland sheegtay inuu la shaqeynayay sirdoonka Soomaaliya.

Hay’adda Sirdoonka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabatey Cabdiraxmaan 17-December 2023.

Qoraal lasoo dhigay barta X ee hay’adda NIA ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan uu hay’adda NISA ee Soomaaliya “u qaabilsanaa khalkhal galinta amniga iyo siyaasadda”.

Hay’adda NIA ayaa bishii December ee sanadkii hore sheegtay in ay qabteen labo nin oo ay ku sheegeen in ay yihiin sirdoodnka Soomaaliya gaar ahaan shaqsiyaad la shaqeyn jiray taliyihii hore hay’adda ee nabad sugidda Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin.

Qoraal ay hay’adda ku soo daabacday boggooda X ee horay loo oron jiray Twitter, ayaa lagu sheegay in raggaasi hore u fuliyeen falal ka dhan ah jiritaanka Somaliland. Labada nin ayay ku sheegtay hay’addu magacyadooda Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdilaahi.

Wax faahfaahin ah oo intaas dhaafsiisan kama aysan bixin hay’addu laba nin ee ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen.

Ad
Previous articleXaggee ku dambeeyay xiriirka madaxweynaha Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Xili Xasan Shiikh Tagay Eriteeriya?
Next articleWararkii ugu Danbeyey Dagaal culus oo ka dhex qarxay ciidamada SSC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here