Home Wararka Maanta Waa kuma Alexander Stafford ninka u ololeeya madaxbananida Somaliland, muxuuse ka damacsan...

Waa kuma Alexander Stafford ninka u ololeeya madaxbananida Somaliland, muxuuse ka damacsan yahay?

0

“UK ma Awoodo inay u Dhegoolayso Dalabka Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yiriAlexander Stafford oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska kana mid ah xisbiga Conservative-ka.

Wuxuu sheegay in aanay UK awoodin inay dhagaha ka fureysato dalabka aqoonsiga ee Somaliland oo muhiim u ah sida uu sheegay xulafada Ingiriisku u baahan yahay.

Lama oga sababta ka dambeysa in xildhibaankan uu Somaliland ku taageero inay hesho ictiraaf, balse waxa uu ka mid ahaa xisbiga Conservative-ka oo aaminsan in la caawiyo dhulkii ay boqortooyada Ingiriiska horay u gumeysatay oo ay Somaliland ka mid tahay.

Xisbiga Conservative-ka waxa la aas aasay 1834-kii wuxuuna ahaa mid ka mid ah labadii xisbi ee ugu waaweynaa qarnigii 19-aad.

Xiriiriika dhow ee Ingiriisku la leeyahay qaar badan oo ka mid ah dalalkii uu horey u gumaysan jiray waxa loo aanayn karaa xiriiro taariikheed, dhaqan iyo dhaqaale oo horumaray xilligii gumaystaha Ingiriiska.

Xildhibaanku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa Ingiriiska, waxaanu ku booriyay dawladda Ingiriiska inay taageerto dalalka dimuqraadiga ah ee dhaca mandaqada Geeska Afrika ee saaxiibka la ah Ingiriiska.

“Ma jirto meel ka muhiimsan Geeska Afrika in lagu taageero dimoqraadiyad iyo saaxiibtinimo.”

“Somaliland waxay leedahay kheyraad ay ka mid yihiin macdanta iyo batroolka”.

Wuxuu sheegay in Geeska Afrika uu xilligan muhiim u noqday walaaca laga qabo xasaradaha ay kooxda Xuutiyiintu ka wadaan badda cas iyo khataraha burcad baddeeda iyo argagixisada.

“Somaliland waxa ay Soomaaliya ka mid ahayd 1960-kii illaa laga gaaray 1991-kii, xiligaasi oo ummadda reer Somaliland ay qaateen qaraar geesinimo leh oo ay madax-bannaanidoodii kala soo noqdeen Soomaaliya, taasi oo ahayd tallaabo u wanaagsan dalkooda iyo dadkooda oo ay doonayeen inay soo gaarsiiyaan heerarka caalamiga ah ee adduunka,”ayuu yiri Alexander Stafford.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray; “Si ka duwan dalal badan oo jaarkooda ah Somaliland waxa ay ku naalloonaysay badqab iyo inay u kifaaxday dimuqraadiyad nooceedu shabaho tan dalka Ingiriiska.

Bisha November ee Sannadkan 2024, waxa ay Somaliland qabsanaysaa doorasho madaxtooyo oo daah-furan, iyadoo sannadkii 2021-kii ay ka qabsoomeen doorashooyin tusaale wanaagsan u ah hufnaanta doorashooyinka.” Xildhibaan Alexander Stafford.

“Somaliland may arag xasillooni-darro iyo dagaalka sokeeye ee Soomaaliya gilgilay shan iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey; iyo khatarta ka iman karta rabshadaha argagixisanimo sida Al-Shabaab. Haddaba, aqoonsiga caalamiga ahi waxa uu astaan xoog leh u noqon doonaa dalalka jaarka ah in xorriyadda, waxbarashada, iyo dimuqraadiyaddu ay la yimaadaan faa’iidooyin badan.“

“Sannadkan waxa uu ku beegan yahay saddex-qarni ka dib markii ay dadka reer Somaliland iskugu tashadeen gooni-isu-taagga. Haddaba reer Somaliland waxay u halgamayeen aqoonsi caalamiya muddo ka badan intii ay la midoobeen Soomaaliya,” ayuu qoraalka ku yiri xildhibaan

Dhanka kale mar sii horreysay xildhibaanka ayaa taageero u muujiyay Somaliland markii uu soo baxay heshiiskii isfgaradka ahaa ee Somaliland Itoobiya dhexmaray kaas oo la xiriiray inay Itoobiya bad hesho, halka Somaliland ay Itoobiya ictiraafto. Waxaa su’aal arrintaas la xiriirta baarlamaanka ku weydiiyay raysal wasaaraha UK.

“Anigoo ka duulaya heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, waxaan Golaha Baarlamaanka ugu baaqay dawladda UK inay bilawdo sidii ay Somaliland ugu aqoonsan lahayd dal xor ah oo madaxbannaan.” Sida laga soo xigtay bogga rasmiga ah ee Politics.co.uk.

Khilaaf cirka isku shareeyay ayaa ka dhashay heshiiskaas ka dib markii dowladda Federaalka ee uu majaraha u hayo madaxweyne Xasan Sheekh ay si adag uga soo horjeesatay heshiiska is-afgarad iyadoo dagaal dhanka diblomaasiyadda ah ku qaadday Itoobiya.

Haddaba waa kuma xildhibaan Alexander Stafford?

Wuxuu dhashay 19 Luulyo 1987 dii, waana xubin katisan baarlamaanka UK.

Waxaa laga soo doortay magaalada Rother Valley, wuxuu xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 2019-ka.

Alexander Paul Thomas waa muxaafidkii ugu horeeyay ee loo doorto kursiga.

Sidoo kale waxaa uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga muxaafadka ee dhinaca siyaasadda ilaa bishii Sebtembar 2022.

Alex Stafford wuxuu wax ku bartay Jaamacadda Oxford, isagoo horay uga soo shaqeeyay qeybta isgaarsiinta ee Shell, iyo World Wide Fund for Nature (WWF) ka hor inta aan loo dooran baarlamaanka.

Ad
Previous articleBeesha Darood oo Aan Wax Wasiir ah ku lahayn Xukumada Soomaaliya iyo Xadan Shiikh oo loogu Baaqay inuu soo Magacaabo
Next articleMaxay u danaynayaan siyaasiyiinta uu Farmaajo ku jiro shirka uu Deni ku baaqay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here