Home Wararka Maanta waa Kan Xiddiga Manchester United ka tirsan ee ay uxirayso lambarkii...

waa Kan Xiddiga Manchester United ka tirsan ee ay uxirayso lambarkii uu banneeyey Cristiano Ronaldo ee No.7

0

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xiddig ka tirsan kooxdeeda u xidhaysa lambarkii uu banneeyey Cristiano Ronaldo ee No.7, kaas oo ay u arkaan in uu mustaqbalka noqon karayo xiddig weyn oo hoggaamiya Red Devils, sidoo kalena ay u arkaan inay arrintani qayb ka qaadan karto inuu qandaraaskiisa cusboonaysiiyo oo uu sii joogo Old Trafford.

Mancchester United  oo caawa la ciyaaraysa  Bournemouth ayaa soo cidhiidhsan karta kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, waa se haddii ay Arsenal ka badiso Newcastle United.

Iyadoo kooxdu isku diyaarinaysa ciyaaartan ayaa waxa soo baxaya warka sheegaya, in Manchester United ay qorshaynayso inay si toos ah ula hadasho xiddig lagu tilmaamo inuu yahay kuwa ugu fiican Old Trafford waqtigan, si ay ugu bandhigaan inuu la wareego No.7.

Bruno Fernandez ayaa haysta lambarkii riyadiisa ee No.8 mana beddeli doono, sidoo kale Casemiro waxa uu ku qanacsan yahay lambarka uu xidhan yahay ee uu ka dhaxlay Fernandes laakiin ay hore u haysan jiray halyeygii ay isku booska ahaayeen ee Paul Scholes ee No.18.

Eriksen ayaa isaguna aan doonayn inuu beddelo lambarka uu xidhan yahay, halka Anthony uu haysto lambarkii uu jeclaa  ee No.11 iyadoo Anthony Martial uu ku dhegsan yahay lambarka muujinaya booska  uu ka ciyaaro.

Sida uu qoray wargeyska Daily Express, Manchester United ayaa waxay doonaysaa in ay No.7 ku wareejiso xiddiga reer England ee Marcus Rashford oo ah isha ugu weyn ee goolasha ay ka helayeen xilli ciyaareedkan.

25 jirkan ayay kooxdu doonaysaa inuu raaco raadka halyeeyadii kooxda ee Eric Cantona, David Beckham iyo George Best, isla markaana uu la wareego lambarka 7, hase yeeshee warku ma sheegin fikirka laacibkan oo Manchester United u xidha lamabrkii Wayne Rooney, Denis Law iyo Ruud van Nistelrooy ee No.10.

Dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya in Manchester United ay No.7 la sugayso xiddiga reer Portugal ee Joao Felix oo ay doonayaan inay kala soo wareegaan Atletico Madrid.

Ad
Previous articleToogasho ka Dhacday Gudaha Xerada Xalane ee Magaalda Muqdisho
Next articleMuuse Biixi oo Digniin Adag u Diray Puntland iyo Dowlada Federalka Soomaaliya kana Hadlay Xaalada Laasacaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here