Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Waa imisa Tirada Alshabaab Shalay looga Dilay Dagaaladii Ka Dhacay Hirshabeele?

Waa imisa Tirada Alshabaab Shalay looga Dilay Dagaaladii Ka Dhacay Hirshabeele?

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo Howgalka Militariga Mareykanka ee Afrika ( AFRICOM), laga fuliyay deegaanno ka tirsan Shabeellada Dhexe oo ay ku suganaayeen Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxaya dowladda ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu laayay tiro badan oo ka tirsan al-Shabaab hase-yeeshee laguma sheegin qoraalka inta ay tiradaasi la ektahay.

Waxaa intaas lagu daray in la qiimeynayo khasaaraha duqeyntaas ka dhashay ee gaaray Shabaab. Sidoo kale warka ka soo baxay dowladda ayaa in duqeynta lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaasha al-Shabaab ee dagaalka shalay la galay ciidamada xoogga Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Alkowsar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijinaysa sida halkaa wax uga dhaceen, marka laga yimaado warka qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaaradda War-faafinta Dwladda Dederaalka Soomaaliya.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleSidee loo qaybsaday Tirada Ciidamada Cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya lagu wareejinaayo
Next articleDaacishtii ku Sugnayd Buuraha Puntland oo la Duqeeyey