Home Wararka Maanta Waa imisa lacagta Uu Biishii Farmaajo ka Qadaanayo Dowlada Xasan Shiikh Xili...

Waa imisa lacagta Uu Biishii Farmaajo ka Qadaanayo Dowlada Xasan Shiikh Xili Guri loo Dhisaayo(Xog)

0

Waxaa isi-soo tareysa falcelinta lacagta loo uruurinayo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, si guri loogu dhiso, waxaana baraha bulshada ka socda abaabul xoog leh oo ay wadaan taageerayaasha Farmaajo.

Waxaa lasoo bandhigay akoono iyo lambarro lagu uruurinayo lacagtaas, waxaana qaarkood iska leh shakhsiyaad gaar ah oo ka shaqey jiray xafiiskiisa, welina ku dhow dhow Farmaajo.

Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya Madaxweyne kasta oo xukunka si nabad ah ku wareejiya wuxuu yeelanayaa miisaaniyad dhan $25 kun oo kharashaadka gurigiisa iyo ilaaladiisa ku baxaya ah iyo $8 kun oo mushaar ah bil kasta.

Wadarta lacagtaas waxay sanadkii noqoneysaa 396 kun oo dollar, baarlamaankii 9-aad ee dalka ayaa ansixiyey qodobkaan dhigaya in madaxweynihii xukunka si nabad ah ku wareejiya la siiyo kusiga xildhibaan aan dhicin iyo $33 kun oo bil kasta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu bilaabay dhaqan gelinta qodobkaas, sida aan kasoo Xiganay   xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe ee dowladda

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka mid noqonayaa labo mudane oo 12-ka bishaan lagu dhaarinayo kulanka golaha shacabka, wuxuuna qaadanayaa kuriga Xildhibaan sharafeed aan dhici doonin abid.

Dhaarinta xildhibaanimo ee Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorsheeyey inay dhacdo Arbacadii lasoo dhaafay, balse fadhigii xildhibaanada golaha shacabka ayaa u furmi waayey kooram la’aan.

Dad badan ayaa aad ula yaabay ololahaan uu Farmaajo ku dalbaday in guri loogu dhiso, waxayna dadka ka falceliyey arrintaan ay qabaan in aysan jirin baahi Farmaajo ku kalifi karta inuu qaaraan weydiisto dadkaan gaajada ugu dhimanaya abaarta dalka ka jirta, isagoo bil kasta qaadanaya $33 kun.

Waxaa shaki badan la gelinayaa sida ay lacagtaasi ku geli karto gacan aamin ah, maadaama akoonada iyo lambarada lasoo bandhigay ay badankood leeyihiin shakhsiyaad gaar ah.

 

 

 

 

 

Ad
Previous articleDeni oo Shaaciyay Balan qaad uu Usameeyey Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleCiidamada xooga Dalka oo Howlgal ku Dilay sarkaal Sare oo Al-Sabaab ah iyo Maleeshiiyaad kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here