Home Wararka Maanta Waa Imisa Askarta Israil ee Ku Dhuntay Dagaalka lubnaan ilaa Hada?

Waa Imisa Askarta Israil ee Ku Dhuntay Dagaalka lubnaan ilaa Hada?

0

Ururka Xisbullah ayaa sheegay inay dileen ilaa sagashan askari oo ka tirsan ciidamada Israa’iil intii uu bilowday howlgalka dhulka, IDF-na waxay xaqiijisay ‘burburka kaabayaasha Xisbullah.’

Talaadadii, Xisbullah ayaa ku dhawaaqday in ay fulisay saddex hawlgallo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo lagu beegsaday “kulannada askarta cadowga Israa’iil iyo gaadiidka” ee deegaannada Al-Manara, Kafr Giladi, iyo Zar’it. Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in “isku dhacyo xooggan ay ka dhaceen intii u dhaxaysay iska caabbinta iyo ciidanka Israa’iil” agagaarka Wadi al-Asafir, oo ku dhow magaalada Khiam ee koonfurta Lubnaan.

Hezbollah ayaa daabacday tirakoob ay sheegtay in ay fulisay hawlgallo ka dhan ah ciidanka Israa’iil tan iyo markii hawlgallada dhulka ee Israa’iil bilaabmeen, taas oo ay ku sheegen “dhimishada in ka badan 90 askari iyo dhaawac ka soo gaadhay qiyaastii 750 kale” oo ka tirsan saraakiisha iyo askarta ciidanka Israa’iil intii lagu jiray iska hor imaadkii waqtigii la soo dhaafay.

Iyadoo xiisadda gobolka tagan tahay ayaa wasaaradda difaaca Maraykanka (Pentagon) ay sheegtay in Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin uu kala hadlay dhigiisa Israa’iil Yoav Galant fursadaha yareynta xiisadda gobolka.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMustaf Cagjar oo Jawaab Lama Filaan ah Udiray Ururka ONLF
Next articleWaa kuma Naciim Qaasim hoggaamiyaha cusub ee Xisbullah?