Home Wararka Caalamka Vladimir Putin: Cunaqabataynta reer galbeedka waxay la mid tahay ku dhawaaqida dagaal

Vladimir Putin: Cunaqabataynta reer galbeedka waxay la mid tahay ku dhawaaqida dagaal

0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo khudbad ka jeediyay taleefishinka ayaa sheegay in cunaqabateynta reer galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka ay la mid tahay ku dhawaaqista dagaal.

Khudbadda, wuxuu ku celceliyay in Ruushku uu doonayo “hub ka dhigis” Ukraine iyo in waddanku uu caddeeyo inuu yahay dhexdhexaad, sida uu qoray Sky News .

Khudbadda ayaa ka dhacday kulan telefishan laga sii daayay oo lala yeeshay shaqaalaha shirkadda diyaaradaha ee Ruushka ee Aeroflot, taasoo laga bilaabo 8-da Maarso baajisa duullimaadyadii ay ku tagi jirtay dhammaan waddamada marka laga reebo Belarus.

Wadamada reer galbeedka ayaa cunaqabateyn adag ku soo rogay Ruushka kadib duulaankii Ukraine, iyaga oo ujeedkoodu ahaa in la wiiqo dhaqaalaha Ruushka.

Intii uu khudbadda jeedinayay, Putin waxa uu sidoo kale sheegay in uusan qorshaha ugu jirin in xaalad degdeg ah lagu soo rogo Ruushka. Waxaa jirta cabsi laga qabo in hordhaca noocaasi ah uu horseedi karo dhaqaale xumo hor leh oo soo wajahda warbaahinta iyo mucaaradad siyaasadeed.

-Xaaladda degdega ah waa in lagu soo rogo oo kaliya marka ay jiraan gardarro dibadda ah. Taas hadda nama soo marayso, waxaana rajeynayaa inaan taas yeeli doonin, ayuu yiri Putin.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoonaa Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleFaransiiska oo eedeyn adag u jeediyay Dowlada Britain
Next articleMagaalada Gaalkacyo oo Maantay lagu Dooranaayo 5kursi iyo 13 musharax oo ku Tartamaysa