Home Wararka Maanta Villa Somalia oo shaacisay mowqif ku aadan beegsiga qoysaska kooxda Al-Shabaab xili...

Villa Somalia oo shaacisay mowqif ku aadan beegsiga qoysaska kooxda Al-Shabaab xili shalay wiilal Alshabaab dhaleen Si xun loo dilay

0

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hortimid in la gowraco maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ama la beegsado qoysaskooda, kadib markii falal noocaas ah ay ka dhaceen gobolka Hiiraan.

Maleeshiyada Macawiisleyda ayaa dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan 18-kii September waxay ku dileen 45 maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo saddex ka mid ah ay gowraceen.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa 16-kii bishan, wuxuu Macawiisleyda ku amray inay dilaan xaasaska iyo caruurta Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale lacag abaal-marin dul dhigay madaxa saraakiisha Al-Shabaab.

Cali Jeyte ayaa sheegay in qofkii u keena madax Al-Shabaab uu siinayo lacag, taasi oo uu ka dhabeeyey toddobaadkii tegay islamarkaana lacagtii ugu horreysay siiyey dagaal-yahan u keenay madax Al-Shabaab uu soo dilay.

Hase yeeshee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in taasi aanay sax aheyn.

Xuseen Sheekh Cali oo ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa wareysi uu siiyey wargeyska Mareykanka ee New York Times, ku sheegay in gowraca uu yahay khalad ay tahay inaan lasii wadin.

Waxa uu intaas ku daray in dowladda ay la xiriirtay guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo dadka kale ee saameynta ku leh gobolka, si looga fogaado in la beegsado xaasaska, caruurta iyo ehellada xubnaha Al-Shabaab.

“Qoysaska mintidiintan ma ahan dad xor ah. Waxaana dooneynaa inay annaga na isku key soo dhiibaan. Ma ahan siyaasadda dowladda in la dilo rayid, mana dhiiri-gelineyno,” ayuu yiri. 

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay safar dibadeed laba maalin kadib qaraxyadii lagu Hoobtay ee ka dhacay Zoobe
Next articleWasiirka Arimaha Dibeda ee UAE oo qoraal af Soomaali ah soo dhigay bartiisa Twitterka, kana hadlay Qarxixii Zoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here