Home Wararka Caalamka Ururka Xamaas oo War Kasoo Saaray Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh

Ururka Xamaas oo War Kasoo Saaray Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa war kasoo saaray doorashadii madaxtimimo ee 15-kii bishaan May ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Haniyah ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku bogaadiyey guusha weyn ee uu ka gaaray doorashadii 15 May.

Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa ee Ururka Xamaas ayaa sidoo kale xusay inay u duceynayaan Madaxweynaha cusub, si eebe ugu fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

“ka Dhaqdhaqaaq Xamaas ahaan iyo guud ahaan Shacabka Falastiin waxa aan fariintaan hambalyada ah u diro Walaalaheen Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxweynaha aan walaalaha nahay ee la doortay, waxa aan ugu duceyneenaa Horumar iyo Barwaaqo, innaga oo u rajeyneyno wax u qabadka Qaranka iyo dadka” ayuu yiri Ismaaciil Haniyah.

Sidoo kale wuxuu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu doorkiisa ka qaado qadiyadda Falastiin, isla-markaana uu garab istaago shacabka Falastiiniyiinta.

“Waxa aan kuu rajeynenaa in aad guullo ku hoggaamisid dalka una adeegtid qarankaaga si aad wax ugu qabatid arrimaha waaweyn ee ku horyaalla, arrinta falastiin waa in aad doorkaaga ka qaadataa, si kal iyo lab ah ayaan kuugu duceynaa mudane guul iyo in Walaalaheen Soomaaliya aad gaarsiisid horumar iyo Barwaaqo” ayuu sii raaciyey.

Guusha Xasan Sheekh ayaa waxaa horey uga hadlay dowlado dhowr ah iyo ururo caalami ah oo soo dhoweeyey isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya.

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan
Ad
Previous articleRuushka oo Talaabo Adag ka Qaaday Dowlada Finland Kadib Codsigii ay Udirsadeen NATO
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Galabtay Degaanada Galmudug Dib ug soo Laabtay(Sawiro)