Home Wararka Caalamka Ukraine: ‘Waddan cusub ayaan dhiseynaa’

Ukraine: ‘Waddan cusub ayaan dhiseynaa’

0

Ra’isul wasaaraha Ukraine Denys Shmyhal ayaa sheegay tani iyo marki uu billowday duullaanka Ruushka Moscow iney burburisay waddooyin dhererkoodu gaarayo 25,000 oo km, boqollaal buundooyin iyo 12 giga oo kuwa diyaaradaha.

Denys oo BBC u warramay wuxuu sheegay inuu Ruushka burburiyey 100 goobaha waxbarashada, xaruumo caafimaad oo ka badan 500 iyo 200 oo warshadood.

“Ku dhawaad 35% wakhti xaadirkan dhaqaalaha dalka Ukraine ma shaqeynayaan. 30 -50% dakhliga sanadlaha ee Ukraine uu meesha ka baxay, firaaqa dhaqaale ee miisaaniyadda dalka ay bishi gaareyso $5 balyan oo doolar, qasaaraha guudna lagu qayaaso $600 oo balyan oo doolar” ayuu yiri.

Wuxuuna intaa ku daray ciidamada Ruushka dhul ka badan 300,000 km oo laba jibbaaran inay miino iyo waxyaaba kale ee qarxa ay ku aaseen.

Ugu dambeyn, Denys wuxuu sheegay dib u dhiska degdegga ah ee dalka Ukraine iney dowladda u qoondeysay lacag ka badan $50 balyan oo doolar.

 

 

Ad
Previous articleCabdiraxman Cabdishakur oo Kulan La Qaatay Wasiiradda Gargaarka(Sawiro)
Next articleMadaxweyne xasan shiikh oo War kasoo Saaray Geerida Prof Shirwac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here