Home Wararka Caalamka Ukrain oo Ciidamadeedi kala soo Baxaysa Africa si ay uga Qaybqaataan Dagaalka...

Ukrain oo Ciidamadeedi kala soo Baxaysa Africa si ay uga Qaybqaataan Dagaalka Ruushku ku haayo

0

Dowladda Ukraine ayaa dib u soo ceshan doonta ciidamadeeda iyo agabka militari oo ay ku jiraan diyaaradaha helikobterrada, kuwaas oo ka qayb qaadanaya howlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Afrika iyo Yurub, si ay u xoojiyaan difaaca gudaha ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka.

Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay dalka Ukrain ku dhawaad laba toddobaad kahor, iyaga oo duqeymo iyo go’doomin kuwada magaalooyinkeeda, waxaana ay ku qasbeen in inka badan 2 milyan oo qof oo u badan haween iyo carruur ay ka baxaan dalkaas.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Talaadadii saxiixay wareegto dib loogu yeerayo dhammaan ciidamada nabad ilaalinta, si ay gacan uga geystaan dagaalka ka socda gudaha dalkeeda.

Ukraine ayaa waxay ku biirisaylix howlgal oo Qaramada Midoobay ah ilaa 300 oo askari, saraakiil booliis iyo shaqaale, tiradaas oo aan wax badan ka bedeli doonin howlgallada nabad ilaalinta ee caalamka.

Howlgalka ugu weyn ee ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada Ukriane ayaa ah kan ka socda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo ee loo yaqaan MONUSCO, kaas oo ay ku leeyihiin unug ka kooban 250 askari oo ciidamada cirka ah iyo siddeed diyaaradood, sida uu sheegay afhayeenka MONUSCO

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleRuushka iyo Ukrain oo Wadahadal Kafoolkafool ah u Furmay
Next articleMaxaa kasoo Baxay kulankii Raysulwasaare Rooble iyo Safiirka Maraykanka?(Sawiro)