Home Wararka Caalamka Uhuro kenyata oo Maantay Soo Gaartay Guul Daradii Ugu Waynayd

Uhuro kenyata oo Maantay Soo Gaartay Guul Daradii Ugu Waynayd

0

Guul darro aad u wayn ayaa ku dhacday madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaddib markii ay garsooreyaasha Maxkamadda ugu sarreysa dalka hor istaageen qorshe ay dowladdu wadatay oo aasaasi u ahaa isbaddal la damacsanaa in lagu sameeyo dastuurka.

Garsooreyaasha xukunka kama dambeysta ah ku dhawaaqay ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu si aan sharciga waafaqsanayn ugu howlanaa isbaddalka, oo loo yaqaanno Mashruuca Dhismaha Buundooyinka (BBI).

Waxay garyaqaannada maxkamaddu sheegeen in mashruucan loo baahnaa inay hoggaamiyaan shacabka balse aan loo baahneyn inuu horkaco madaxweynaha xilka haya.

Guul darradan ayaa timid xilli aad muhiim ugu ah dowladda oo ay soo socdaan doorashooyinka guud ee bisha August.

Mr Kenyatta ayaa horay xilka madaxweynaha u qabtay labo jeer, suurtagalna uma aha inuu mar kale isu soo sharraxo, balse wuxuu doonayay in uu dhaxalkiisa ka dhigo hirgelinta mashruuca BBI, kaasoo uu ku dooday in uu diyaasadda dalka ka dhigi lahaa mid ka fiican sidii hore, laguna yareynayo qalalaasaha siyaasadeed.

Waxaa la saadaalinayay in Kenyatta uu mashruucan ka heli lahaa door hoggaamineed oo mar kale uu dalka ka qabto.

Qodobbada ugu waaweyn ee diiradda la saari lahaa waxaa ka mid noqon lahaa in la abuuro xil cusub oo Ra’iisul Wasaare.

Waxaa la isla dhex marayay hadal heyn isasoo taraysay oo ku saabsan in Mr Kenyatta uu damacsanaa helitaanka xilkaas, haddii siyaasiga mucaaradka ugu weyn ee markii dambe xulafada la noqday madaxweynaha, Raila Odinka, uu ku guulaysto xilka madaxweynaha.

Mr Odinga ayaa doorashada kula tartamaya Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, oo ay is khilaafeen Mr Kenyatta.

Ruto ayaa si weyn uga soo hor jeeday mashruuca BBI.

“Qorshahan oo dhan wuxuu iila muuqday isku day lagu raadinayay in aniga dowladda la iiga eryo,” ayuu Ruto ku yidhi wareysi uu siiyay BBC-da, horaantii bishan. “Waxa loogu yeeray ‘Dhismaha Buundooyinka’ laguma dhisayo buundo.”

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, wuxuu ku adkeystay in isaga iyo Madaxweyne Kenya “aysan cadaawad ka dhaxeynin”.

Inkastoo dad badan oo falanqeeya siyaasadda ay u arkaan go’aanka ay Maxkamaddu soo saartay maanta oo Khamiis ah guul usoo hoyatay Mr Ruto, dadka sida saxda ah u guuleystay waa shacabka Kenya qaarkood oo maxkamadaha ugu hooseeya ilaa tan ugu sarreysa la gaaray dagaalka ay ku difaacayeen Dastuurka waddanka, oo ay kasoo horjeedeen in isbaddal lagu sameeyo iyagoo aan laga qayb gelinin.

Guul darradii afaraad

Tani waxay noqonaysaa guul darradii afaraad ee ku dhacday xukuumadda Kenya iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Sanadkii lasoo dhaafay, dhowr bilood gudahood ayay dowladda ku dhaceen saddex guul darro oo ay ku jirtay tii ku saabsanayd dacwadda muranka badda ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Hal isbuuc gudihiisa ayay xukuumadda Kenyatta guul darro kala kulantay labo kiis oo waaweyn, kuwaas oo mid uu la xiriiray arrimaha gudah, halka mid ka kalena uu ahaa dibadda.

Waxay guul darrooyinkaas ka mid yihiin arrin kale oo dhowr bilood xilligaas ka hor ahayd:

Ad
Previous articleAlshabaab oo Baahisay Qabiilka ninkii labaad ee Weeraray Xerada Xalane
Next articleAMiSOM oo Beri Howlgal Ka samaynaysa Garoonka Muqdisho kadib Qaraxyadii Dhawaan ka Dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here