Home Wararka Maanta Ugu yaraan 19 qof oo ku dhintay musiibo ka dhacday DR Congo

Ugu yaraan 19 qof oo ku dhintay musiibo ka dhacday DR Congo

0

Saraakiisha maxalliga ah ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Congo ayaa sheegay in dhul go’ay ay ku dhinteen 19 qof, subaxnimadii Axadda.

Mas’uul ka tirsan maamulka tuulada Bulwa ee Waqooyiga gobolka Kivu ayaa sheegay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.

Waxa uu sheegay in xubno ka tirsanaa koox dumar iyo carruur ah oo dhar dhaqayay ay aasmeen ka dib markii uu ku dumay dhulka.

Maanta oo Isniin ah ayaa lasii waday gurmadka lagu raadinayo dad weli ku hoos jira carrada.

Gobolkan waxaa ciiddiisa jilciyay roobab mahiigaan ah oo socday dhowr bilood, kaasoo sababay fatahaado.

Ad
Previous articleCiidamada Somaliland iyo koox jidka u gashay dhaawacyo laga qaaday Laascaanood oo is fara saaray
Next articleTrump oo u duulaya New York si maxkamad loo soo taago

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here