Home Wararka Maanta Uganda oo waddo muhiim ah u xirtay cabsi laga qabo qarax

Uganda oo waddo muhiim ah u xirtay cabsi laga qabo qarax

0

Booliiska dalka Uganada, ayaa muddo kooban hakiyay wadada weyn ee isku xirta magaalada caasimadda ah ee Kampala iyo garoonka diyaaradaha, sababo la xiriira cabsi laga qabo qarax.

Kooxaha ka hortaga bambooyinka ayaa la geeyay halkaas si ay baaritaan uga sameeyaan wadada Entebbe ka hor inta aan loo fasaxin isticmaalka dadweynaha, sida ay booliisku ku soo qoreen Twitter-ka.

Gaadiidleyda ayaa lagu amray inay maraan wadooyin kale inta baaritaanada laga soo afjarayo, balse isu socodka gaadiidka ayaa hadda caadi kusoo noqday.

Waddadan uu Shiinuhu maal-geliyay ayaa la furay sannadkii 2018-kii.

Ad
Previous articleSharciga Ladagaalanka Argagixisada oo 10 sano Hooryaalay Baarlamaanka oo Maantay La Ansixiyay
Next articleWaa tuma gabadha doorka weyn ka qaadaneysa filimka hadal-haynta badan dhaliyay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here