Home Wararka Maanta U qaybsanaha madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee ciidamada macawiisleyda ayaa maanta qaaday tallaabadii...

U qaybsanaha madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee ciidamada macawiisleyda ayaa maanta qaaday tallaabadii u horeysay

0

Cali Jayte Cismaan oo dhawaan uun loo magacaabay u qaybsanaha madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee ciidamada macawiisleyda ayaa maanta qaaday tallaabadii u horeysay tan & markii maalmo kahor loo magacaabay xilkaasi.

Hoggaamiyaha cusub ee ciidanka macawiisleyda Cali Jayte ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii hay’addu u sii xoojin lahayd howlaha gargaarka ee la gaarsiinayo degaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Cali Jayte ayaa hay’adda ka codsaday inay hay’addu ka warqabto qoysaska ciidanka Macawisleyda ee naftooda u huraya xoreynta dalka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in garab istaaga ciidankan ay wax weyn ka tari doonto dagaalka adag ee lagula jiro kooxda, maadaama uu bilaabanayo wajiga 2-aad ee dagaalka.

Dhankiisa guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa u ballan qaaday u qeybsamaha xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ee Macawisleyda in ay hay’addu si dhow ugala shaqeyn doonto arrimaha samafalka ee uu dalbaday iyo sii laba jibaaridda u gurmashada dadka nugul ee la dhibaatoonaya saameynta abaaraha muddada dheer ah iyo fatahaadaha roobabka xooggan ee ka da’aya dalka.

Kulankan ayaa kusoo qaadayo, ayada oo haatan dhibaatooyin kala duwan ay ka jiraan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay kamid yihiin saameynta ka dhalatay dagaallada lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo uu xudun u noqday gobolkan iyo fatahaadda wabiga Shabelle.

Cali Jayte oo horay usoo noqday guddoomiyihii gobolka Hiiraan ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu la kulmo madaxda sare ee dalka, kadibna uu ku laabto gobolka si uu halkiisa uga sii hogaamiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo HirShabelle iyo Galmudug.

Ad
Previous articleShaqaale ka Tirsanaa Galmudug oo ka Badbaaday isku Dil oo aano Qabiil Salka Ku haayay
Next articleDadka ugu Badnaa oo lagu eedeeyey Dagaalkii Dhawaan ka Dhacay Dhabeelada Dhexe oo Xabsi lagu Guray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here