Home Wararka Maanta Tuugsadaha ugu taajirsan adduunka iyo sida uu maalqabeenka ku noqday

Tuugsadaha ugu taajirsan adduunka iyo sida uu maalqabeenka ku noqday

0

Erayga ‘ tuugsade’ marka uu qofka maqlo waxaa ku soo dhacaya qof ay soo food saartay xasillooni darro dhaqaale, oo ku labisan dhar jeexjeexan timihiisana aan shanleysnayn.

Hase yeeshee waxaa jira shaqsiyaad tuugsiga u rogay mihnad faa’iido badan leh u leh, iyaga oo dawarsiga u yeelay waji cusub.

Warbixin lagu daabacay Economic Times ayaa lagu sheegay in Bharat Jain uu yahay dawarsadaha ugu taajirsan guud ahaan caalamka, waxaana isaga oo dawarsanaya lagu arki karaa waddooyinka Mumbai.

Waxa uu ka dhashay qoys sabool ah, taas oo horseedday inuu awoodi waayay in uu sii wato waxbarashadiisa rajadiisina xaddiday.

Waa nin xaasle ah oo leh qoys ay ku jiraan xaaskiisa, laba wiil, walaalkii, iyo aabihiis.

Inkasta oo markii uu bilaabayay uu ka heli jiray wax aan ka badnayn masruufkiisa ayaa hadana Jain waxa uu dawarsiga ka sameeyay lacag dhan 7.5 malayn oo Rubis oo dhiganta 890,708 oo doolar. Lacagaha uu bishii ka helo tuugsiga ayaa waxay u dhaxeeyaan 60,000 ilaa 75,000 oo Rubis oo qiyaas ahaan u dhiganta 904 oo doolarka Mareykanka ah.

Intaa waxaa dheer, wuxuu leeyahay guri ku yaal Mumbai kaas oo qiimihiisu gaaraya 1.2 crore, wuxuuna leeyahay laba dukaan oo ku yaal Thane oo kiradoodu bishii tahay 30,000 Rubi oo dhiganta 363 oo doolar. Jain ayaa la sheegay inuu ka tuugsado goobaha caanka ah ee la kala ah xarunta tareenka ee Chhatrapati Shivaji Maharaj iyo Azad Maidan.

Inkastoo uu yahay nin taajir ah, Jain wuxuu weli sii wadaa inuu ka tuugsado waddooyinka caasimadda Mumbai. Iyadoo dad badani ay ku dhibtoonayaan inay helaan dhowr boqol oo rubi xitaa ka dib markay shaqeeyaan saacado badan, ayaa Jain waxa uu maalintii sameeyaa lacag dhan Rs 2,000-2,500 oo Rubis oo u dhiganta 30 doolar taas oo ay ugu wacan tahay deeqsinimada dadka.

Jain iyo qoyskiisu waxay ku nool yihiin guri iskorsaar ah oo ku yaal Parel. Carruurtiisu waxay dhiganayeen iskuul kuuwaas oo la sheegay inay dhemeeyeen. Qoyskiisa ayaa waxay markasta kula taliyaan Jain inuu iska dhaafo tuugsiga balse wuu iska indhatiray taladooda oo wuxuu sii wadaa shaqadii dawarsiga.

Dad badan ayaa ku dooda in u heelanaanta uu dawarsiga u hayo ay ka mid tahay caado is biirsaday oo ka mid yihiin dareenka bulsho korriimadiisa ee dadka kale ee dawarsada, iyo niyad-jabka uu kala kulmo la macaamilka dadka sadaqada siiya.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleSacuudi iyo Turkey oo saxiixday heshiisyo taariikhi ah
Next articleCiidamada Mareykanka oo malaayiin farriimo ah si aan ku talagal aheyn ugu diray saaxiibbada Ruushka