Home Wararka Maanta Turkiga Oo Qaab Casri Ah U Dhisaya Madaxtooyada Soomaaliya.

Turkiga Oo Qaab Casri Ah U Dhisaya Madaxtooyada Soomaaliya.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan dib u habeynta Xafiisyada Madaxtooyada ayaa dhagax dhigay dib u dhis casri ah oo lagu sameynayo Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qorsheyaasha ugu muhiimsan dowladdiisa ay ugu horreeyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, dib u habeynta xarummaha iyo hannaanka Hay’adaha dowladda iyo hirgelinta ku dhaqanka shuruucda dalka, taas oo aas-aas u ah dowlad Soomaaliyeed oo ay ku kalsoon yihiin shacabkeedu, gudan kartana waajibaadkeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowladda, shacabka Turkiga iyo shirkada Albayrak sida ay gacanta uga geysanayaan dib u casriyeynta Xafiisyada Madaxtooyada, iyaga oo mar walba garab istaag iyo taageero u muujiya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay dhabar adaygga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficillada gurracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in gacan dalka lagaga cirib tiri doono arxan-laaweyaashaas, gacanta kalena lagu horumarinayo dowladnimada.

Munaasibadda dhagax-dhigga Madaxtooyada cusub ee dalka waxaa ka qaybgalay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya iyo Madaxa shirka Albayrak.

Ad
Previous articleFaahfaahin Dheeri oo kasoo baxaysa Alshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Daynuunaay
Next articleGudoomiye Sacdiyo Yaasiin Xaaji oo Maantay kulan La qaadatay Culumada Soomaaliyeed Xili Dhawaan Culumo badan bayaan kasoo Sareen(Sawiro)