Home Wararka Caalamka Turkiga oo ku eedeeyay Mareykanka in uu taageero Argagixisada

Turkiga oo ku eedeeyay Mareykanka in uu taageero Argagixisada

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu taageerayo argagixisada isla markaana uu garab siinayo maleeshiyaadka Kurdiyiinta PKK.

Turkiga ayaa ku eedeeyay dilka 13 qof inay ka dambeeyeen kooxda PKK, hase ahaatee Mareykanka ayaa sheegay in uu cambaareynayo dilka waa haddii la xaqiijiyo in kooxda PKK ay ka dambeysay.

Erdogan ayaa ku tilmaamay hadalka Mareykanka mid jees jees ah ah, taasoo keentay in Turkiga u yeero safiirka Mareykanka u fadhiyo Ankara kadib caro ka dhalatay hadalka kasoo baxay Mareykanka.

Turkiga wuxuu sheegay in 13 qof laga helay god ku yaalla gobolka buuraleyda ah ee waqooyiga dalka Ciraaq ka dib hawlgal ka dhan ah kooxda Kurdiyiinta ee PKK oo ay halkaa ka fuliyeen.

PKK ayaa sheegtay in 13ka qof ee Turkiga ah oo iskugu jiray milateri, Boolis iyo Sirdoon ay ku dhinteen iska horimaadka dhexmaray labada dhinac.

hase ahaatee Wasiirka gaashaandhigga ee Turkiga, Hulusi Akar ayaa sheegay in dhammaan maydadka la helay mid mooyaane inta kale ay madaxa kaga taallo rasaas taasoo muujineysa in loo gaystay dilal bareer ah.

 

Ad
Previous articleMidowga Musharixiinta iyo Beesha Caalamka oo kulan yeelanaya maanta
Next articleGuddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo Qoraal u diray madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here