Home Wararka Maanta Turkiga Keymo ku yaalla oo maalinta Saddexaad gubanaya

Turkiga Keymo ku yaalla oo maalinta Saddexaad gubanaya

0

Kaymo ku yaal dalka Turkiga ayaa gubanaya, kumanaan Kooxo dab demis ah ayaa la tacaalaya dabka, maalintii saddexaad.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in afar ruux ku geeryoodeen, 183 kalana ku dhaawacmeen.

3 diyaaradood, Sagaal Drone, 38 Helikobtar, 680 baabuur dab damis iyo 4,000 oo shaqaale ayaa ka qayb qaadanaya deminta.

Kaymo gaaraya 70 ayaa dabku ka kacay, 14 ka mid ah ayaa wali gubanaya.

Kulayl jira ayaa la sheegay in dabku ka dhashay, dabeylo xooggan oo dhacayana ay sii hurinayaan, lakiin dowladda ayaa sheegaysa iney baarayso waxa dhaliyay dabka hal mar ka kacay kaymaha intaas tira le’eg.

Ad
Previous articleWar Hada AH: Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo oo Khasaaro kasoo gaaray
Next articleDowlada Israel oo ku eedeesay Iiraan Weerar loo geestay markab shidaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here