Home Wararka Maanta Trump oo u duulaya New York si maxkamad loo soo taago

Trump oo u duulaya New York si maxkamad loo soo taago

0

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa “isku diyaarinaya dagaal dhinaca sharciga ah” xilli la filayo in maalinta Talaadada ah uu dhageysiga kiiskiisa ka bilowdo maxkamadda, sida uu sheegay qareenkiisa.

Mr Trump oo hadda ku sugan gurigiisa ku yaalla Mar-a-Lago ayaa la filayaa in uu maanta oo Isniin ah u duulo magaalada New York, halkaas oo uu ku wajihi doono dacwado la xiriira lacago laaluush ah oo la siiyay haweeney ka shaqeysa filimada anshax xumada.

Ka dib waxa uu qorsheynayaa in uu dib ugu laabto gobolka Florida marka uu dhammaado dhageysiga maxkamadda. Florida marka u uku noqdo waxa uu khudbad u jeedin doonaa taageerayaashiisa.

Donald Trump waxa uu weli beeninayaa in uu wax dambi ah galay.

Qareenka u doodaya oo lagu magacaabo Joe Tacopina ayaa ballan qaaday dacwad kasta oo ka dhan ah madaxweynihii hore loola dagaallami doono si adag.

Ad
Previous articleUgu yaraan 19 qof oo ku dhintay musiibo ka dhacday DR Congo
Next articleXussen “Dhagey” iyo Calas Ibraahim oo aha Saraakiil Ka Tirsan Alshabaab oo Gacanta Lagu Dhigay(Sawiro)