Home Wararka Maanta TPLF oo Fariin adag u dirtay Soomaalida kunool dalka Itoobiya

TPLF oo Fariin adag u dirtay Soomaalida kunool dalka Itoobiya

0

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo kooxda Tigrey ayaa dib uga soo cusboonaaday Waqooyiga Itoobiya, waxaana dagaalkan guulo ka gaaray oo goobo badan kula wareegay ciidamada TPLF.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda oo wareysi siiyay telefisinka Tigrey ayaa ka hadlay dagaalka socda, waxa uuna fariin u diray qowmiyadaha kala duwan ee kunool dalka Itoobiya ay ku jiraan kuwa Soomaalida.

Getachew Reda ayaa ugu baaqay qowmiyadaha kunool dalka Itoobiya in aysan qeyb ka noqon dagaalka ay kula jiraan ciidamada federaalka, waxa uuna si gaar ah fariin ugu diray Soomaalida kunool dowlad deegaanka u ugu baaqay in dagaalka qeyb aysan ka noqon.

Afhayeenka TPLF ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay jufo katirsan beesha Ogaadeen in aysan wiilashooda uga dhiman iyaga oo difaacaya dhul aysan laheyn Amxaaro, waxa uuna tilmaamay in rasaasta ay ridayaan ciidankooda kala aqoon Soomaali iyo Amxaaro.

“Walqayti Amxaarada iyo shacabka Amxaarada iskama laha. beeraleyda Amxaarada goormee ayay Walqayti yeesheen kana faa’ideysteen? …ma jirto sabab ay dhallinyarada Soomaalida ah ugu dhammaanayaan halkaasi,” ayuu yiri Getachew Reda.

Dagaalka ciidamada federaalka Itoobiya kula jiraan kooxda TPLF waxaa qeyb ka ah ciidamo Soomaaliyeed oo laga diray dowlad deegaanka, kuwaa oo lasoo sheegay qaarkood in lagu dilay dagaaladii ugu dambeeyay ee dhacay.

 

 

Ad
Previous articleKoonfurgalbeed oo faahfaahisay Sababta ay Xariirka Ugu Jareen Dowlada Federalka Soomaaliya
Next articleSoomaaliya iyo Mareykanka oo Arrimo Muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here