Home Wararka Maanta Tookiyo oo Labasano Baxsad ahaa Oo lasoo Qabtay Dil Toogasha ahna Lagu...

Tookiyo oo Labasano Baxsad ahaa Oo lasoo Qabtay Dil Toogasha ahna Lagu Xukumay

0

Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) oo loo soo xiray dil bareer ah oo u geystay marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan Labo ayaa waxaa maanta xukun adag laga soo saaray kiiska dilkaan.

Tookiyo ayaa laba iyo tobankii bishii August 2022-ka ku dilay Cabdijabaar maqaayad lagu shaaho ee kutaal isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Muran salka ku haayay siyaasad oo soo kala dhex-galay marxuumka iyo Cabdiraxmaan Tookiyo ayaa gaartay gacan ka hadal uu midi kaga dhuftay wadnaha iyo daanka.

Eedeysanaha oo baxsad ka ahaa gacmaha sharciga ayaa soo gacan galay siddeed iyo labaatankii bishii January ee sanadkaan 2024-ka

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday siddeed iyo tobankii bishii February ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan.

Sida uu maanta warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

Ad
Previous articleXasan shiikh oo kulan la qaatay Xildhibaanadii Diidanaa Damiiciisa Badalka Dastuurka
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Wax ka Badalka Dastuurka oo Meel Xasaasi ah Maraaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here