Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) oo loo soo xiray dil bareer ah oo u geystay marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan Labo ayaa waxaa maanta xukun adag laga soo saaray kiiska dilkaan.
Muran salka ku haayay siyaasad oo soo kala dhex-galay marxuumka iyo Cabdiraxmaan Tookiyo ayaa gaartay gacan ka hadal uu midi kaga dhuftay wadnaha iyo daanka.
Eedeysanaha oo baxsad ka ahaa gacmaha sharciga ayaa soo gacan galay siddeed iyo labaatankii bishii January ee sanadkaan 2024-ka
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan.
Sida uu maanta warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.