Home Wararka Maanta Toogasho ay ku dhinteen Dad Shacab ah oo ka dhacday Caasimada Faransiiska

Toogasho ay ku dhinteen Dad Shacab ah oo ka dhacday Caasimada Faransiiska

0

Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay bartamaha magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, halkaasi oo uu ku dilay labo qof tiro kalena uu ku dhaawacay.

Toogashada ayaa ka dhacday meel ku dhow xarun dhaqameed ay leeyihiin Kurdiyiinta.

Eedaysanaha oo da’diisu lagu sheegay 69 jir ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliiska.

Maamulka ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan aagga xarunta Rue d’Enghien, ee degmada 10-aad ee Strasbourg-Saint Denis.

“Waa argagax, waxaan isku soo xirnay gudaha,” ayuu yiri mid ka mid ah dukaanleyda oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Qof goob jooge ah ayaa sheegtay in ay maqashay todobo ilaa sideed xabadood oo qarxay.

Ad
Previous articleDagaal Culus oo Ka Dhacay Deegaan Hoostaga Degmada aadan Yabaal Alshabaabna laga Qabsaday Degaankaas
Next articleKhadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos oo lagu sifeeyay mid kamida xiddigihii ugu xumaa Koobka aduunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here