Home Wararka Maanta TJeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare oo shaaciyay tirada xubnaha Al Shabaab looga dilay Masaajid...

TJeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare oo shaaciyay tirada xubnaha Al Shabaab looga dilay Masaajid Cali Gaduud

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna ciidamada halkaasi ku galeen dagaal dhiig badan ku daatay.

Taliyihii hore ee ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo gaaray deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa sheegay in Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiyay dagaalkii deegaanka ka dhacay.

Jeneraal Tuuryare ayaa sheegay in Al Shabaab dagaalkii ka dhacay Masaajid Cali Gaduud looga dilay ku dhawaad 200-oo dagaalyahan, waxa uuna xusay in meydadka qaarkood laga aruuriyay markii ciidanka qaateen.

Waxa uu sheegay taliyihii hore ee NISA ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay yihiin kuwa ada u tiro badan oo sidoo kale heesta hub badan, waxa uuna ugu baaqay in howlgalka sii wadaan kana saaraan Al Shabaab meel kasta ay joogaan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud, Al Shabaab ayaana isaga baxay deegaanka kaddib markii dagaal culus iyo duqeymo la kulmeen.

Ad
Previous articleC/llaahi Cali Aadan oo Galmudug Dad Badan kusoo Dilay oo maantay la Toogtay
Next articleFanaan caan ah oo toogasho lagu dilay, xili uu ku sugnaa goob uu ka ciyaarayey (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here