Home Wararka Maanta Tiradii ugu badneyd oo tahriibayaal ah oo halmar galay Ingiriiska

Tiradii ugu badneyd oo tahriibayaal ah oo halmar galay Ingiriiska

0

In ka badan 600 oo tahriibayaal ah ayaa Axaddii ka tallaabay kanaalka Ingiriiska, tiradaas oo ah tiradii ugu badnayd ee hal maalin ah ilaa hadda sanadkan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Ilaa 616 qof ayaa la arkay iyaga oo ka soo safraya dalka Faransiiska waxa ayna wateen 12 doonyood oo yar yar.

Tiradii ugu badneyd oo horay loo diiwaan geliyay ayaa ahayd 497 qof Abriil 22.

Tirada guud ee dadka tahriibayaasha ah ee sanadkan waxa ay ka badan yihiin 8,000 oo qof, kuwaas oo ilaa 2,000 ka yar intii ay sannadkii hore ahaayeen.

Isagoo ka hadlayay Dover usbuucii hore, Reysal wasaare Rishi Sunak ayaa sheegay in qorshihiisa lagu dhimayo tirada muhaajiriinta uga gudbaya Channel-ka ee doomaha uu shaqeynayo tiradana ay hoos u dhacday markii ugu horeysay.

Mr Sunak ayaa u sheegay tifaftiraha siyaasada ee BBC Chris Mason in isgoysyada ay hoos u dhaceen shan meelood meel, iyo tirooyinka dadka Albania ee ku sii jeeda Britain 90%.

Tim Loughton, oo ah xildhibaanka East Worthing & Shoreham, ahna xubin ka tirsan guddiga arrimaha gudaha, ayaa yiri “waa inaan waxba ka ogaanin arrintan tiradan ugu dambeysay “marka laga reebo in aan wali dhibaato ku qabno”.

Waxa uu sheegay in Faransiisku uu u baahan yahay in uu dadka ku xiro xeebaha, oo aanu kaliya la wareegin doomaha.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan u baahanahay in si sax ah loo qoondeeyo waddooyin ammaan ah oo sharci ah, si magangalyo-doonka sharciga ah ay uga soo codsadaan dibadda.”

Ad
Previous articleDiyaaradii Waday Waday Maamulkii Gobalka Gedo oo Dib loosoo celiyay
Next articleMuxuu salka ku hayaa dagaalka Baraawe ee ilaa Shalay Kasocda Baraawe khasaaraha Badana Dhaliyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here