Home Wararka Maanta Tirada dadkii ku dhintay dagaalkii gobolka Tigreega ee Itoobiya oo lasoo saaray

Tirada dadkii ku dhintay dagaalkii gobolka Tigreega ee Itoobiya oo lasoo saaray

0

Dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika ee colaadda Tigray ee Itoobiya, Olusegun Obasanjo, ayaa u sheegay wargeyska Financial Times (FT) in ilaa 600,000 oo qof laga yaabo inay ku dhinteen dagaalka labada sano ka socday gobolka Tigreega.

Wareysi uu siiyay wargeyska, ayuu Obasanjo ku sheegay in tirada dadka dhintay ay gaarayaan ku dhawaad ​​600,000 oo qof.

Waxaa adag in la xaqiijiyo tirada dadka ku dhintay dagaalka. Cilmi baarayaashu, ayaa waxay kal hore ku qiyaaseen in dhimashadu ay gaarayso boqollaal kun.

Axadii, FT, ayaa soo xigatay madaxa guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya, Daniel Bekele, isagoo sheegay in qiyaasaha ay bixiyeen dhammaan dhinacyada ay u baahan yihiin, in si taxadar leh loo wajaho, maadaama aysan suurtagal ahayn “in la ogaado tirada buuxda ee dhaawacyada”.

Colaadda ayaa bilaabatay bishii Noofambar ee sanadkii 2020, markaasoo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu amar ku bixiyay duullaan milateri oo ka dhan ah ciidamada gobolka Tigreega, taasoo uu sheegay inay jawaab u tahay weerar lagu qaaday saldhig ciidan, oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Bishii November ee la soo dhaafay ee sanadkii hore ee 2022-ka, ayaa dowladda Itoobiya iyo fallaagada Tigray, ay kala saxiixdeen heshiis xabbad joojin ah oo soo afjaraya dagaalka.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMuxuu yahay ficilka uu sameeyay duuliyihii diyaaraddii Axaddii burburtay ee sababay dhimashada badan?
Next articleAabe Abuukar Xuseen oo maseeray gabdhiiisa si arxan darro ah ugu dilay Muqdisho