Home Wararka Maanta Tirada Dadka Ku Dhintay Dhul-Gariirkii Turkey Iyo Suuriya Oo Kor U Dhaaftay...

Tirada Dadka Ku Dhintay Dhul-Gariirkii Turkey Iyo Suuriya Oo Kor U Dhaaftay 41,000

0

Dalka Turkiga, sagaal qof ayaa Talaadadi shalay nolol loogu tagay oo laga soo badbaadiyay darbiyada burburay hoostooda, hal todobaad kaddib, dhul-gariirki xoogganaa ee garaacay Turkiga iyo Suuriya.

Kuwa lasoo badbaadiyay ayaa waxaa ku jiray laba wiil oo walaal ah oo mid uu ahaa 17 jir kan kalana 21 sano jir. Labaduba waxaa laga soo bixiyay guri dabaq ah oo ka mid ah guryaha ku burburay gobolka Kahramanmaras ee dalka Turkeye.

Magaalada Antakya ee caasimadda gobolka Hatay ee dalka Turkiga, waxaa burburka hoostiisa laga soo badbaadiyay gabar iyo wiil u dhashay Suuriya, kuwaas oo darbiyada dumay hoostooda ku go’doonsanaa wax ka badan 200 oo saacadood.

Mid ka mid ah dadka lasoo badbaadiyay ayaa kooxaha gurmadka u sheegay, in wali ay jiraan dad nool oo ku go’doonsan burburka hoostiisa.

Tirada dadka ilaa iyo hadda ku dhintay dhul-gariirka labada waddan ee diriska ah ee Turkey iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 41,000.

Kumannaan kun oo qof ayaa hooy la’aan ah xilli darajada qaboowga xilliga qaboobaha ay tahay mid aad u daran.

Ad
Previous articleDuulimaad toos ah oo Ka imanaaya imaaraadka oo Ka bilaaban Doona Garoonka Muqdisho
Next articleBeesha caalamka oo war cusub kasoo saartay dagaalka Kasocda Magaalada Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here