Home Wararka Caalamka Tirada Ciidamada Ruushka Ugu Dhimatay Dagaalka Ukrain oo La Shaaciyay

Tirada Ciidamada Ruushka Ugu Dhimatay Dagaalka Ukrain oo La Shaaciyay

0

Ciidamada Ruushka ayaa khasaaro badan oo dhimasho iyo mid dhaawac kala kulmay duullaanka xooggan ee ku qaadeen dalka Ukraine, waxaana dagaalka Ruushka  ku noqday mid sidii ay filayeen ka duwan.

Warbaahinta reer Galbeedka ayaa qoraya in ciidamada Ruushka askar tiro badan looga dilay dagaalka ay ku qaadeen dalka Ukraine, waxaa sidoo kale Ruushka dagaalka looga burburiyay diyaarado badan iyo taangiyo.

Sargaal reer Galbeed ah ayaa sheegay in ciidamada Ruushka dagaalka Ukraine looga dilay qiyaastii 10,000 oo askari halka tiro intaas ka badana looga dhaawacay , waxaana suurto gal ah sida sargaalkan sheegay in khasaaraha intaan kasii bato.

Tirada khasaaraha soo gaaray ciidamada Ruushka waxey si kooban uga soo muuqatey barta uu Kremlin-ka ku leeyahay Internet-ka, oo loo maleenayo in la jabsaday kahor inta aan bartaasi laga tirtirin.

Ciidamada Ruushka ayaa wali sii wada dagaalka ay ku doonayaan in ay xukunka uga tuuraan Madaxweynaha Ukraine , waxa ayna ciidamada Ruushka si joogto ah madaafiic iyo hubka culus ugu garaacayaan magaalooyin dhoor ah.

Ad
Previous articleCiidamada ka Tirsan kuwa Itoobiya oo Qarax lagu Dilay
Next articleDoorashada HOP63 iyo HOP011 oo ka Bilaabtay Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here