Ciidamada Ruushka ayaa khasaaro badan oo dhimasho iyo mid dhaawac kala kulmay duullaanka xooggan ee ku qaadeen dalka Ukraine, waxaana dagaalka Ruushka ku noqday mid sidii ay filayeen ka duwan.
Warbaahinta reer Galbeedka ayaa qoraya in ciidamada Ruushka askar tiro badan looga dilay dagaalka ay ku qaadeen dalka Ukraine, waxaa sidoo kale Ruushka dagaalka looga burburiyay diyaarado badan iyo taangiyo.
Sargaal reer Galbeed ah ayaa sheegay in ciidamada Ruushka dagaalka Ukraine looga dilay qiyaastii 10,000 oo askari halka tiro intaas ka badana looga dhaawacay , waxaana suurto gal ah sida sargaalkan sheegay in khasaaraha intaan kasii bato.
Tirada khasaaraha soo gaaray ciidamada Ruushka waxey si kooban uga soo muuqatey barta uu Kremlin-ka ku leeyahay Internet-ka, oo loo maleenayo in la jabsaday kahor inta aan bartaasi laga tirtirin.
Ciidamada Ruushka ayaa wali sii wada dagaalka ay ku doonayaan in ay xukunka uga tuuraan Madaxweynaha Ukraine , waxa ayna ciidamada Ruushka si joogto ah madaafiic iyo hubka culus ugu garaacayaan magaalooyin dhoor ah.
War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay