Home Wararka Caalamka Telefishinkii Qaran Dalka ukrain oo dhulka lala Simay(Sawiro)

Telefishinkii Qaran Dalka ukrain oo dhulka lala Simay(Sawiro)

0

 

Milateriga Ruushka ayaa duqeeyey anteenoyinka Xarunta Tv-ga Qaranka Ukraine duqaynta ka hor ayay Ruushka u digeen dadka caasimada Kyiv ku nool

Kooxaha gargaarka degdega ah ee Ukraine ayaa waxay sheegeen in shan ruux ay ku dhimatay weerar Ruushku ku qaaday anteenada television ka Kyiv.

Ma cadda in anteenada la beegsaday maadaama ay wali taagan tahay, laakiin qaraxa gantaalka wuxuu hawada ka saaray qaar kamid ah warbaahinta Kyiv.

Waa Maalintii lixaad gulufka dagaal ee Ruushku ku hayo Ukraine, dadka ka faalooda dagaalada ayaa sheegaya in sababaha hakiyey weerarka Ruushka ay tahay iyadoo ciidamadu la kulmeen iska caabin xooggan ayna u baahdeen inay dib isku soo abaabulaan.

Ciidankii ugu badnaa oo wata boqollaal kolonyo gaadiid ah oo xiriirsan 60km ayaa gaaray hareeraha magaalada caasimadda ah ee Kyiv, tani waxay ka macno tahay isku daygii ugu dambeeyey ee Ruushku ku doonayo inuu ku qabsado xarunta dalka. Waxay u badan tahay inay qabsadaan laakiin khasaare naf iyo maalba leh ayay ku gaari karaan taas.

Dhinaca kale, Magaalada dhacda waqooyiga bari ee Okhtyrka gantaal ciidamada Ruushku ku dhufteen xarun ciidamada Ukraine leeyihiin waxaa ku dhintay 70 askari, sidaasi waxaa lagu sheegay war lagu qoray barta Twitter-ka Baarlamanka Ukraine, waxaa lagu tilmaamay askarta geeriyootay “Geesiyaal”.

Ruushku meelaha uu ka xoojiyey weerarkiisa waxaa ka mid ah magaalada Kharkiv oo ku taal waqooyi galbeed, halkaasi oo 48-kii saac ee la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo lagu riiqmay.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleGudigi Qiimaynya Garbahaareey oo Shaqadoodi bilaabay(Sawiro)
Next articleSiciid Deni iyo Agsimiihii PSF ee Bosaaso kula Dagaalamay oo Shirkoodi Fashil Kusoo Dhamaaday(Aqriso)