Home Wararka Maanta Taliye Xijaar iyo Saraakiil uu horkacayo oo gaaray xarunta INTERPOL (Sawirro)

Taliye Xijaar iyo Saraakiil uu horkacayo oo gaaray xarunta INTERPOL (Sawirro)

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo hoggaaminaya wafdi Saraakiil ah ayaa gaaay magaalada Lyon ee Dalka Faransiiska oo ay kaga qayb galayaan shirka Booliska Adduunka (INTERPOL) ee dowladaha Bariga Dhexe, Bariga iyo Waqooyiga Afrika.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen madaxda Ciidanka Booliska ee in ka badan 20 dal, ayaa waxaa looga hadlayey wax-ka-qabashada arrimaha argagixisada, denbiyada xuduudaha isaga gudba, daroogada iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaas oo dhammaan halis ku ah guud ahaan amniga caalamka.

Sidoo kale, Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Booliska Adduunka ee INTERPOL mudane Jurgen Stock, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo INTERPOL ee dhinacyada ka hortagga danbiyada caalamiga ah iyo la dagaallanka argagixisada.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xubin buuxda ka ah Booliska Adduunka ee INTERPOL oo Xafiiskoodii Soomaaliya dib uga hawl-galiyey magaalada Muqdisho Bishii 7-aad ee sannadkii 2021-kii.

Ad
Previous articleMaamul Goboleed cusub oo looga dhowaaqay billowga kacdoon ka dhan ah Shabaab
Next articleHal qof oo lagu qiyaasay in uu gaajo u dhimanayo afartii ilbiriqsi kasta dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here