Home Wararka Maanta Taliye Shaahmacabe oo nolol iyo Geeri lagu la,yahay kadib Dagaalkii Cuslaa ee...

Taliye Shaahmacabe oo nolol iyo Geeri lagu la,yahay kadib Dagaalkii Cuslaa ee Cowswayne

0

Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), isla-markaana ah Taliyaha Guutada 25-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa nolol iyo geeri lagu waayay, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo geystay khasaare xoogan.

Shaah-macabe ayaa hoggaaminayay ciidamo gaarayay illaa 2,000 oo askari, kuwaas oo ka baxay Muqdisho, kuna biiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la geeyay jiida hore, gaar ahaan bariga gobolla Galgaduud, iyaga oo qabtay deegaanka Cowswayne, kadib waxaa weerar rogaal celis ah oo qaraxyo ku billowday ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Xasan Cabdulle Calasow oo kamid ah saaxibada taliyaha weli la la’yahay ayaa faah-faahiyay xogta sarkaalkaas iyo sida lagu waayay.

“Booqashada furimaha hore ee difaaca ciidamada ee wasiirka gaashaan-dhigga, taliyaha Nisa Mahad Salaad, Shuute, Qoorqoor iyo xitaa tan madaxweynuhu maxay qiimo ku fadhidaa, haddii aan nolol iyo geeri lagu heyn taliyihii Guutada 25-aad ee CXDS oo 2500 iyo taliskooda hoggaan u ahaa.” ayuu yiri Xasan Cabdulle oo qoraal soo dhigay Facebook.

Wuxuu ku daray “Taliye SHAAH MA CABE waxa lagu waayay dagaalkii Cowsweyne ee maalintii sabtida dhacay, ilaa saacaddaanna nolol iyo geeri midna laguma haayo. Waxa uu ahaa taliyaha kaliya ee la hubo inuunan laaluush qaadan-jirin, balwad aan laheyn nuucii ay doontaba ha ahaatee, sidoo kalena ahaa sarkaal wadaad ah oo Eebbe ka cabsi badan”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya looga fadhiyo inay jawaab ka bixiso weerarkii Cowswayne, maqnaashaha sarkaalkaas iyo askartii kale ee lagu laayay halkaasi.

“Aniga waxa uu ii ahaa saaxiib gaar ah, maalinkii la waayay ilaa maanta aan joogo, ma deggana xaalkeygu run ahaantii. Hal-xiraalaha Xasan iyo tiimkiisa ku horgudban ayeyna ka mid tahay.” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Xasan Cabdulle Calasow.

Farriintan ayaa Xasan waxa kale oo uu ku yiri “Dooni meyno booqasho ee waxaan doonaynaa badbaado, nolol iyo geeri mid lagu keeno taliyihii guutada 25-aad iyo askarta kale ee weli la la’yahay, kuwii shahiidayna ay meydkooda mujrimiintu ku kor baraanburayaan waa in laga gaaraa inta aysan karsan”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in tallaabo la qaado, si loo soo bad-baadiyo askarta iyo saraakiisha weli maqan ee lagu waayay weerarkaasi.

“Askarta dhimatay meydkooda in la soo badbaadiyo ayaa askar kale u dhimataa, taas oo ah: “Mid lagu dhisayo moraalka kuwa nool”. Nolol iyo geeri mid lagu qanco keena, intaan ka badan idin kama aamusnaan karno e. Dagaalku waa xaq, debacsaniduse waa agnaan-nimo ee booqashada ha la beddelo” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Xasan Cabdulle.

Maalmo kahor ayaa Al-Shabaab weerar lagu hoobtay waxa ay ka fulisay Cowswayne, kaas oo dhaliyay hadal heyn xoogan, maadaama lagu laayay askar badan, hubna lagu qaatay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Macron oo sheegay in danjiraha dalkiisa uu sii joogi doono Niger
Next articleCiidamada Dowlada oo inta Badan Goobihii Alshabab ka Saareen Galmudug kasoo Baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here