Home Wararka Maanta Taliye Shaah-macabe walaalkii oo farriin u diray madaxweyne Xasan Sheekh

Taliye Shaah-macabe walaalkii oo farriin u diray madaxweyne Xasan Sheekh

0

Qoyska Gaashaanle Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer ‘Shaah-macabe’ oo BBC la hadlay ayaa codsi iyo farriin u diray madaxweynaha Soomaaliya oo weli ku sugan magaalada Dhuusomareeb oo laga hoggaamiyo howlgalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug.

Gaashaanle Shaah-macabe oo ahaa taliyaha Guutada 25 aad ee Cumar Bin Khataab ayaa ‘nolol iyo geeri ba’ lagu la’ yahay wixii ka dambeeyay weerarkii Al-Shabaab ee deegaanka Cowsweyne oo ku dhow Ceel-dheer, gobolka Galgaduud ee saddex toddobaad kahor dhacay.

“Ninkii waa la raadshay iyo lama raadin midna lama dhihin,” ayuu yiri Cadoow Deeq oo ay isku hooyo yihiin Taliye Shaah ma cabe. “wax hadda ninkii waa dhintay ama waa noolyahayna kama hayno,”

Dhanka kale wuxuu sheegay Cadoow in warar kala duwan ay ka maqleen xogta walaalkiis, taas oo ay ilaa iyo hadda ku jahwareersan yihiin.

“Anaga ninka duqaynuu ku dhintay maraa nala yiri, mar waxaa nala yiri waa nool yahay meeshuu ku jiraa. Warka meelaan u qaadnaan waynay, waana dareemi kartaa meesha cadow ayaa haysta,” ayuu hadakiisa raaciyay Cadoow.

Walaalka taliye Shaah-macabe ayaa sida uu noo sheegay labadii todobaad ee la soo dhaafay wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho, si uu u baadi goobo halka uu ku dambeeyo walaalkiis, balse ilaa iyo hadda wax natiijo ah ma uu san helin.

Shan maalin kadib markii dagaal lagu wayay Shaah-macabe ayaa qoraal lasoo dhigay bar Facebook oo uu ku qoran yahay magaca Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe).

Bartan oo la sheegay inuu taliyaha leeyahay ayaa lasoo dhigay qoraal muujinaya inuu nabad qabo.

Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, isla markaana ay ehel dhow yihiin Taliye Shaah Macabbe, ayaan la xiriirnay xilligaas, iyada oo sheegtay inaysan wax war ah ka heynin taliyaha.

“Waxaan xaqiijinayaa in laga jabsaday barta Facebook, asaga maaha waxa qoraalka soo dhigay, warna kama heyno” ayay tiri.

Jawaahir ayaa sheegtay in laga yaabo in dad doonaya inay ku qaraabtaan magaciisa ay jabsadeen bartiisa oo ay qoraalkanna soo dhigeen.

“Dad baa jira ku qaraabanaya oo laga yaabo inay lacag uga uruursanayaan dadka,” ayay intaas raacisay.

Dagaalkii Cawseyne oo ay ku dhinteen askar badanoo ka tirsan al Shabaab iyo dawladda Soomaaliya ayaa labada dhinacba waxay kala sheegtay tirooyin kala duwan oo dhimasho ah.

Balse waxaa jira askar ay al Shababa ku qabteen nolosha iyo kuwa aan raq iyo ruux midna lagu hayn oo uu kamid yahay Shaah-macabe.

Hooyada dhashay Shaah-macabe iyo sidoo kale xaas iyo caruur uu leeyahay ayaa kamid ah dadka ka walwalsan maqnaashihiisa.

“Hadda calool xumada nahaysay, waa dhintay haddii la dhaho xitaa waan ka samri lahyn,” ayuu BBC u sheegay Cadoow oo dalbanaya in dawladdu ka caawiso baadigoobka walaalkiis.

Dhanka kale wuxuu sheegay inuu la kulmay saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda, ayna u sheegeen inay u tagi doonaan madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Dhuusamareeb.

Ad
Previous articleP.M Xamse oo Qaaday Talaabo Cadaynaysa Nooca ay noqonayso Doorashada soo Socota(Sawiro)
Next articleFeysal Cali Waraabe “Ooyin ayaa ka dambeyn doonta wafdiga Soomaaliya ee tagay Laascaanood”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here