Home Wararka Somaliya Taliye Odawaa iyo Taliyayaal kale oo gaaray Deegaanka Daaru Naciim

Taliye Odawaa iyo Taliyayaal kale oo gaaray Deegaanka Daaru Naciim

0

Masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Daaru Naciim ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, deegaankan ayaana kamid ah goobihii dhawwaan Al Shabaab laga saaray.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka xoogga,taliyaha ciidanka dhulka, Senatar iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe  ayaa kormeer u tagay deegaanka Daaru Naciim.

Masuuliyiinta iyo taliyaasha ciidamada ee la socda ayaa kulamo la qaatay waxgaradka deegaanka iyo sidoo kale ciidamada macawuusleyda ee ku sugan deegaankaasi, kuwaa ay kala hadleen xaalada deegaanka iyo sidii howlgalka loo sii dhaqaajin lahaa,

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in uu sii soconayo howlgalka ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Al Shabaab looga saarayo guud ahaan dalka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa guulo waa weyn ka gaaray howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, waxa ayna ciidamada la wareegeen degmooyin iyo deegaano badan oo horey ugu jiray gacajnta kooxda Al Shabaab.

Ad
Previous articleMareykanka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya
Next articleLaftagareen oo Dagaalki Shalay kadib layimid Qorshe Cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here