Home Wararka Maanta Taliye iyo ciidadamadiisa oo kasoo baxsaday Furimaha Dagaalka oo xabsi la dhigay

Taliye iyo ciidadamadiisa oo kasoo baxsaday Furimaha Dagaalka oo xabsi la dhigay

0

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur (Shuute) oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa goob fagaare ah kula hadlay ciidamada Xoogga dalka ee dagaalka kula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo ka hadlay ciidamo iyo taliye usoo baxday Muqdisho.

Shuute ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay xiran yihiin taliye horin iyo ciidamo kale oo ka baxsaday furimaha hore ee dagaalka, laguna hayo xabsi ku yaalla caasimada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay ciidamada uu la hadlayay in ay sii laba jibaaraan dagaalka, si aysan fursad u helin argagaxisada ay dagaalka kula jiraan.

“Ciidamadii baxsaday ee Xamar aaday way xir xiran yihiin, kuwiina inta joogo waxaa la’idinka rabaa dadaal, waxaa lagu jiraa Ramadaan ee dhiniciina yay dabeyl naga soo gelin” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada looga baahan yahay in aysan isku xirin qof ama koox ee looga baahan yahay inay ka dhabeeyaan dhaartii ay soo mareen ee difaaca dalka.

“Xittaa ni taliye horin ayaa ayaa iska tegay, ogaada xittaa haddii taliyihiina ugu wayn uu dhinto sow ma shaqeyn lahayn? qofkii tega inuu dhinto ayaa laga soo qaadaa” ayuu yiri.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleDhulgariir ku dhuftay Hollywood kadib abaalmarintii Oscar
Next articleDagaal Alshabaab Lix jeer ay soo qaadeen oo ka dhacay Ceel cali axmed