Home Wararka Maanta Taliye cusub oo loo Magacaabay Saldhiga Shangaani

Taliye cusub oo loo Magacaabay Saldhiga Shangaani

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Cabdi Xasan xijaar ayaa Taliyaha shangaani u Magacaabay sagal Cabdinuur oo Horay u aheed Taliye ku xigeenka Saldhiga Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir waxaana si Rasmi ah loogu Magacaabay Taliyaha Saldhiga waxayna xilka kala wareegaysaa Taliyihii ka sareeyay.

Sagal ayaa ka mid aheed Saraakiil in mudda ah tababaro kala duwan ku qaatay gudaha Soomaaliya iyo Dibada, waxaana sanadkii 2017 uu Tababar ugu soo idlaaday Wadanka Jabuuti.

Taliyihii Hore ee Boliiska Soomaaliya sareeya gaas Maxamed Sheikh Xasan Xaamud oo ahaa Taliyaha Boliiska dalka xiligii Dowladdii Hore ee Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Fursad u siiyay dhalinyarada waxbaratay inay ku biiri karaan Ciidamada Boliiska Soomaaliya.

sagal waxay ka mid aheed dhalinyaradii ka faa’iiday tababarkaan ka dibna u adeegay Bulshada Soomaaliyeed, Maadaama ay u dhaaratay u adeegida Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan iyo Taliye Xaamud waxay doorweyn ka ciyaareen waxii ka Horeeyay 2017-kii in haweenku ay ka dhexmuuqdaan Hooyada Ciidanka Dalka waxaana qaar ka mid ah hablihii Xiligaas la tababaray ay hayaan xilal sar sare waxaana ka mid ah Taliyaha Shibis, Taliyaha Shangaani iyo Taliyaha waaxda Haweenka Boliiska

Dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Fursad siin doonta dhalinyarada u Taagan inay u adeegaan Qarankooda

Ad
Previous articleDowlada Somalia oo raali gelin rasmi ah u Dirtay Dowlada Masar
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo Biri booqanaya Xerada Turkisom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here