Home Wararka Maanta Taliye Cusub oo Badalay Taliye Suulnuug oo la Magacaabay

Taliye Cusub oo Badalay Taliye Suulnuug oo la Magacaabay

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta taliye cusub u magacoway guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor, kadib markii dhowaan lagu dilay taliyihii guutadaas, Cabdi Maxamed Suulnuug, kaas oo ku dhintay dagaalka Mudug.

Taliye ku xigeenka cusub ee guutadan ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi), kaas oo beddalaya AUN taliye Suulnuug.

Xasan Ciraaqi ayaa magacaabistiisa kadib booqasho ugu tegay ciidanka guutada 18-aad ee Gorgor, isaga oo kula dardaarmay inay laba jibaaraan howsha u hayaan qaranka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay shaqada halkeeda kasii socon doonto, ayna wadi doonaan gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug.

Taliye ku xigeenka cusub ayaa waxaa hortaalla dhammeystirka shaqadii uu ka tegay Suulnuug oo marka la dilayay ku howlanaaa xoreynta deegaanada ay joogaan Shabaab.

Suulnuug oo lagu tilmaamay geesi qaran ayaa muddo ku sugnaa furimaha dagaalka, wuxuuna wax ka xoreeyay deegaano badan, sida degmada Aadan Yabaal iyo magaalooyin kale oo ku yaalla gobollada dhexe ee dalka.

Wuxuu sidoo kale ahaa halyey ka tilmaamay fagaareyaasha dagaalka, waxaa jeclaa ciidanka uu hoggaamiyo, waxaana ka go’need inuu Al-Shabaab ka xoreeyo wadanka.

Si kastaba, ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weli dalka ka wada howlgallo culus oo xoreyn ah, kuwaas oo naftooda ay ku waayeen saraakiil uu kamid ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka sida gaarka u tababaran ee Danab Xasan Maxamed Cismaan (Tuure).

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Nin hubeysan oo shacab ku laayay duleedka BURCO
Next articleCiyaarihii kubadda cagta ee maamul goboleedyada oo dib u bilaabmaya iyo Koonfur Galbeed oo go’aan laga garay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here