Wasiirka amniga gudaha Galmudug Maxamed Cabdi Aadan ‘Gaboobe’ ayaa gaaray degmada Wisil ee koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo ay muddo fog difaac uga jireen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka.
Wasiir Gaboobe ayaa degmada Wisil kulamo kula qaatay Gudoomiye Ku Xigeenka Gobalka Mudug Axmed Maxamed Shire Qodaar Taliyaha Ciidamada Lugta Soomaaliya Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha Ciidamada Kumaandooska Danab G/dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga.
Kulanka ayaa looga hadlay xoreynta deegaannada ka maqan gacanta dowladda Galmudug iyo sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socdo Koonfurta Gobolka Mudug iyo Galgaduud.