Home Wararka Maanta Ciidamada NISA oo Gacanta Kusoo Dhigay Askari 5 kun Udilay Darawal Mooto...

Ciidamada NISA oo Gacanta Kusoo Dhigay Askari 5 kun Udilay Darawal Mooto Bajaaj

0

Ciidamada NISA ee degmada Balcad ayaa gacanta kusoo dhigay askarigaan oo la sheegay in uu 5 kun Shilling Somali ah u dilay wiil dhallinyaro ah oo kaxeenayay Mooto Bajaaj.

Askarigan oo isku dayay in uu ka baxsado goobtii uu dilka ku geystay ayey ciidamo ka tirsan Hay’adda NISA qabteen, waxaana lagu wadaa in uu maro caddaaladda.

Dilka Darawalka Ku Shaqysanaayay Mooto Bajaajka Ayaa Ka Dhacay Bartamaha Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelada Dhexe Taas oo Sababtay inay Kacaan Dadwaynaha Magaalada Balcad.

Darawalka La Dilay ayaa Mudo kabada Halsaac Yaalay Meeshi lagu Dilay Kadib Markii Ay Diideen ehelada Marxuumku in la qaado ilaa Laga Soo Qabanaayo Gacan ku Dhiiglaha Oo Ka Tirsanaa Ciidmada Hirshabeele kaso ku sugnaa Isbaaro Taalay Bartamaha Magaalada Balcad.

Ugi Danbayn Ciidamada NISA ayaa Soo Qabtay Gacan ku Dhiiglaha Oo Haatan Xabsiga La Dhigay.

Ad
Previous articleCabdiwahaab Axmed oo ku nool Muqdisho isagoo qorsheeyay qaabkii uu isu dili lahaa ayey arrin kale dhacday.
Next articleTaliye Biixi iyo Ciidamo Farabadan oo Gaaray Degmada Wisil Xili Galmudug Dagaal Qaadayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here