Home Wararka Maanta Taliyaha guud ee booliska Kenya oo is casilay

Taliyaha guud ee booliska Kenya oo is casilay

0

Taliyaha guud ee booliska Kenya ayaa iscasilay kadib mudaaharaadyo rabshado wata oo todobaadyo socday oo ay ku dhinteen in ka badan 40 qof.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay booliiska in ay toogtaan tobanaan dibad baxayaal ah oo qaarkood ay dhinteen, boqolaalna ay qafaasheen ama si aan sharci ahayn u xireen.

Bartamihii bishii hore waxaa ka dhacay dalka Kenya mudaaharaadyo looga soo horjeedo in la kordhiyo canshuuraha. Dibad-baxayaashu waxay xoog ku galeen baarlamaanka wax yar ka dib markii sharci-dajiyayaashu ay meel mariyeen sharciga muranka dhaliyay.

Talaabada uu madaxweyne William Ruto qaaday ayaa ku guuldareystay inay damiso mudaaharaadyada.

Waxa uu khamiistii shaqada ka eryay in badan oo ka mid ah golihiisa wasiirada, waxaanu ku dhawaaqay in uu soo dhisi doono xukuumad ‘ballaaran’.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDiyaarada Egypt Airline oo Dulimaad Toos ah Maantay Ka Bilowday Muqdisho iyo Dadka Soomaaliyed oo ku Farxay
Next articleWar Deg Deg Ah:Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday xabsiga dhexe ee Xamar