Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidamada Soomaaliya oo Gaaray Dalka Uganda

Taliyaha Ciidamada Soomaaliya oo Gaaray Dalka Uganda

0

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa qasriga Madaxtooyada dalka uganda ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin caddow.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa ka wada-hadlay dhismaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Taageerada dhanka Howlgallada ah ee Soomaaliya ay ku doonayso in dalka ay kaga xureyso Argagixisada arxanka daran.

Madaxweynaha uganda ayaa Taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya u balanqaaday inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhan kasta, hadii ay ahaan laheed dhismo ciidan iyo tababarro joogta ah, iyo in Soomaaliya garab milateri ay siin doonaan si dalka Soomaaliya looga saaro kooxaha nabadiidka ah.

Ad
Previous article10 Safiir oo la Magaacaabay iyo Golaha Wasiirada oo Ansixiyay
Next articleCiidamo Gadoodsan oo La Wareegay Qaybo ka Mid ah Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here