Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya Oo Shahaadada Mushataxnimo xildhibaan Maantay Qaatay

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya Oo Shahaadada Mushataxnimo xildhibaan Maantay Qaatay

0

Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta ka dhabeeyey musharixnimadiisa Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo isku soo taagay kursiga tirsigiisu yahay ee HOP#172.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta qaatay shahaadada musharxanimada, isaga oo ka guddoomay guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed.

“Guddiga hirgelinta doorashada KGS SEIT waxay shahaadada musharaxnimada gudoonsiiyeen musharax Mahad Abdirahmaan Aadan oo u sharaxan kursiga HOP#172,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga maamulka doorashada ee Koonfur Galbeed.

Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey in loo wado Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo taageero ka helay madaxweyne Lafta Gareen.

Sida ay ogaatay aan ogaanay taliye Mahad ayaa si gaar ah kursiga loogu xiray kursiga uu u tartamao, si uu ugu biiro Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Sidoo kale ninkan ayaa ah Sodoga Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay u dhaxdo gabar uu dhalay, taas oo sii xoojisay hamigiisa doorashada.

Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano (Taliye Shub) ayaa ku biiraya saraakiil horey loogu doortay Golaha, waxaanka ka mid ah Fahad Yaasiin, Cabdullahi Kulane, Yaasiin Farey, Bashiir Ameeriko, halka kuwa kalena ay waayeen, sida Bashiir Goobe iyo Indha Qarshe.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan ku dhow gabagabo, taas oo soo jiitameysay sanad iyo dheeraad, walow weli uu jiro dib u dhac ku aadan jadwalkii u dambeeyey.

Ad
Previous articleKuraastii u Danbaysay ee Gaalkacyo Taalay oo La Shaaciyay iyo Xili La Dooranaayo
Next articleZelensky: Hawada waa in la xiraa, haddii kale gantaalada Ruushka ayaa ku soo dhici doona dhulka NATO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here