Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliya ayaa sheegay inaysan qaadi karin masuuliyada amaan ee doorashada berri lagu dooranayo gudoonka golaha shacabka, wuxuuna soo jeediyay xaalad amaan awgeed in doorashada dib loodhigo.
“Ilaa hada mahayno liiska magacyada dadka ka qeybgalaya doorashada berri, sidaas darteed anaga ka booliis ahaan waxay na tusinaysaa inaan damaanad qaadi karin doorashada berri halkaas lagu qabanayo ,taladeena waxay tahay in dib loodhigo doorashada sababo amniga dartiis ah” ayuu yiri taliye Xijaar.
Ad