Home Wararka Maanta Taliska Danab ee puntland oo War layaab leh kasoo Saaray Dib...

Taliska Danab ee puntland oo War layaab leh kasoo Saaray Dib u doorashadii Deni

0

Taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo dib loogu doortay madaxweyne Saciid Deni.

Qoraal kasoo baxay taliska Danab ee Puntland ayaa waxaa looga horyimid dib u doorashada Saciid Deni, iyaga oo sheegay in aysan ku qancin natiijada doorashada.

Taliska ayaa shaaca ka qaaday in waxa dhacay aysan ahaydn doorasho, balse ay ahady boos uu isku doortay madaxweyne Saciid, sida ay hadalka u dhigeen.

“Taliska Ciidamada Kumaandooska Puntland ee Danab waxay kasoo horjeedaan oo ay marnaba aqbali doonin is-doorashadii boobka iyo xaaranta ahayd ee Saciid Cabdullaahi Deni isku doortay aqalka baarlamaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka talisku.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Ciidanka Danab waxay mar walba u taagan yihiin badbaadinta Puntland iyo wadajirka guud ee dalka, maadaama Puntland ay gashay xaalad khatar ah oo hubanti la’aan iyo dagaal sokeeye ah”.

Ciidamada Danab waxay sidoo kale ka hadleen rabshado shalay ka dhacay Garoowe, kuwaas oo ka dhashay dibad-baxyo ay dhigeen dad kasoo horjeeday doorashada.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen ciidamada ammaanka ay inay dhibaateeyeen shacabka isku soo baxay, ayna u gaysteen dil, dhaawac iyo xarig intaba.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii darenen in mas’uuliyadda dhibaatadaas uu qaadayo maamulka ay ugu yeereen inuu ku kacay boob doorasho, sida ay qoraalka ku cadeeyeen.

Ugu dambeyn wuxuu talisku farriin u diray shacabka Puntland oo uu ugu baaqay inay ka jawaabaan wax ay ku tilmaameen boobkii iyo ku tumasho ka dhacday Garoowe.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay dib loo doortay madaxweyne Saciid Deni iyo ku xigeen cusub, taas oo ay aqbaleen xubnihii mucaaradka ee ay isku hayeen doorashada.
Ad
Previous articleTaliye Sare oo ka Tirsanaa NISA iyo Ilaaladiisa oo Weerar Dhaba Gal ah lagu Dilay
Next articleXaggee ku dambeeyay xiriirka madaxweynaha Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Xili Xasan Shiikh Tagay Eriteeriya?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here